Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga Ah Oo Ku Dhaw Inuu Laba-laabmo Iyo War-la’aanta Xukuumadda Tallada Haysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(Hargeysa)- Qiimaha Maceeshadda Quutal-daruuriga ah, ayaa suuqyada Somaliland ka maraysa meel sare.

Raashinka kala duwan ee daruuriga ah, ayaa mid walba waxa ku biiray Lacag ku dhow intii hore loogu iibin jiray, taasi oo muujinaysa heerka Sicir-bararka ee xilligan ka jira Magaalooyinka Somaliland.

Wargeyska Geeska Afrika oo u kuur-galay Qiimaha Maceeshadda kala duwan halka ay ka marayso Somaliland, ayaa xog-warran la yeeshay qaar ka mid ah Ganacsatada Bakhaarrada ku haysta Suuqa Badhtamaha Hargeysa isla-markaana waydiiyey kala duwanaanshiyaha Qiimaha Raashinka ee xilligan iyo Qiimihii hore, waxayna sheegeen in Qiimaha Raashinku aad u kordhay, inkasta oo aanay tilmaamin sababo Cadcad oo keenaya Sicir-bararka Raashinka.

Tusaale ahaan, waxay sheegeen in Kiishka Sonkorta ah oo hore loogu iibin jiray 26 Dollar uu hadda marayo 30 illaa 31 dollar, Daqiiqda oo la siin jiray 22 Dollar ay hadda marayso 26 Dollar, Kiishka bariiska ah oo hore loo siin jiray 27 Dollar, hadda wuxuu marayaa 32 dollar, Jirikaanka Saliidda ah hore waxa loo siin jiray 25 dollar, imika waa 29, halka Saliidaha kale qaarkood 10 Dollar ku kordheen Qiimihii la siin jiray, Kartoonka Baastada ah oo hore loo siin jiray 8 dollar, ayaa hadda maraya 9.5 dollar, sida ay Wargeyska Geeska Afrika u sheegeen Ganacsatada Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa.

Si rasmi ah looma oga waxa sababta u ah Qiimahan sar ee Raashinku gaadhay, Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Ganacsiguna illaa hadda kama hadal arrintan oo culays ku ah guud ahaan Shacabka Somaliland, gaar ahaan Dadka hayntoodu yar tahay.

Wargeyska Geeska Afrika

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this