Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug Oo Xariga Kajartay Dekadda Hobyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Masuuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka iyo kuwa Heer faderaal ah aya maanta xariga ka jaray Dakadda Kalluumaysiga magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali daahir Ciid, wasirada Amniga iyo Dakedaha Galmudug Axmed Fiqi iyo Saabir shuuriye, Xildhibaan mahad salaad, Senator Abdiqeybdiid iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta Faderaalka Abdirahman Al cadaala aya si waa jir ah uga qeyn galay munaasbad kooban oo xariga loiga jarayay Dakadda.

Galmudug dawladda Talyaqniga iyo Barnaamijka Cunada aduunka ee WFB aya iska kaashaday dhismaha Dakaddan kallumaysi Oo socday mudo 10 Bilood ah.

Wasiirka Dakadaha Galmudug oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook aya sheegay in ay wadaan qorshaha Dekadda Weyn Ee Hobyo:-

“Dhinaca Kale howshii Dekedda weyn ee Magaalada Hobyo waxa ay maraysaa meel wanaagsan waxa aan soo dhammaystirnay heshiisyada shirkaddo calami ah iyo ganacsato deegaanka ah, waxa aan idiin xaqiijinayaa in caqabadihii jirey inta badan laga soo gudbay, waxaa hadda socda abaabulkii qeybta ganacsatada Galmudug iyo billawga dhismaha Dekedda” ayuu yiri wasiir Saabir Nuur Shuuriye.

FB_IMG_1632579229666-300x225.jpg FB_IMG_1632579245546-1-300x169.jpg FB_IMG_1632579232222-1-300x225.jpg FB_IMG_1632579229666-1-300x225.jpg FB_IMG_1632579226413-1-300x225.jpg FB_IMG_1632579245546-2-300x169.jpg FB_IMG_1632579232222-2-300x225.jpg FB_IMG_1632579229666-2-300x225.jpg FB_IMG_1632579226413-2-300x225.jpg FB_IMG_1632579221814-300x200.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this