Deeq A. Posted September 25, 2021 Masuuliyiin ka tirsan dawlad goboleedka iyo kuwa Heer faderaal ah aya maanta xariga ka jaray Dakadda Kalluumaysiga magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali daahir Ciid, wasirada Amniga iyo Dakedaha Galmudug Axmed Fiqi iyo Saabir shuuriye, Xildhibaan mahad salaad, Senator Abdiqeybdiid iyo wasiir ku xigeenka Warfaafinta Faderaalka Abdirahman Al cadaala aya si waa jir ah uga qeyn galay munaasbad kooban oo xariga loiga jarayay Dakadda. Galmudug dawladda Talyaqniga iyo Barnaamijka Cunada aduunka ee WFB aya iska kaashaday dhismaha Dakaddan kallumaysi Oo socday mudo 10 Bilood ah. Wasiirka Dakadaha Galmudug oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook aya sheegay in ay wadaan qorshaha Dekadda Weyn Ee Hobyo:- “Dhinaca Kale howshii Dekedda weyn ee Magaalada Hobyo waxa ay maraysaa meel wanaagsan waxa aan soo dhammaystirnay heshiisyada shirkaddo calami ah iyo ganacsato deegaanka ah, waxa aan idiin xaqiijinayaa in caqabadihii jirey inta badan laga soo gudbay, waxaa hadda socda abaabulkii qeybta ganacsatada Galmudug iyo billawga dhismaha Dekedda” ayuu yiri wasiir Saabir Nuur Shuuriye. Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites