Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210925_155351656.jpg?resi

Inta la xaqiijiyay sideed qof ayaa ku dhimatay, tobaneeyo kalana waa ku dhaawacmeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay bar kantarool oo laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Dadka qaraxa ku dhintay waxaa kamid ah Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, Wasiiru- dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Xoghayaha joogtada ah ee XRW, Agaasimeyaasha iyo guud ahaan howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, ehelada iyo asxaabtii ay ka geeriyootay Allaha u naxariistee Hibaaq Abuukar Xasan oo ka mid ahayd la taliyeyaasha arrimaha haweenka iyo xuquuqul insaanka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ku geeriyootay qaraxii argagixisadu maanta ka geysteen Muqdisho”.

“HIbaaq waxa ay ahayd gabar dhallinyaro ah oo firfircoon, howlkar ah, kuna sifowday daacadnimo iyo dal jaceyl” ayaa qoraalka raaciyay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isna ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa ka dhacay afaafka madaxtooyada.


“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa la raaciyay “Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo”.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxayna intaa ku dartay in bartilmaameedku ahaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan Dawladda Federaalka.

Qaraxa ayaa mid loo adeegsaday gaari nooca raaxada ah oo waday qofka ismiidaamiyay, kaas oo ku qarxay goob kantarool.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Muqdisho ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah oo kii maanta ugu khasaare badan yahay.

PUNTLAND POST

The post Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this