Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo daahfuray ololaha ururadda siyaasadda, xili ay qaar kamid ah cabasho u gudbiyeen

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16325785369092051.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Garoowe ka daah-furay ololaha ururadda siyaasadda oo todobaadkan ka bilaamanaya degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn.

Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyay xaflada daah-furka ayaa sheegay in dowladdiisu ka dhabeynayso hirgelinta nidaamka dimuqraadiyadda Puntland, wuxuuna u mahadceliyay ururadda siyaasadda iyo shacabweynaha Puntland.

FB_IMG_16325785243000112.jpg?resize=720%

Daah-furka ololaha ururadda siyaasadda Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmo ka hor ay ururrada Mustaqbal, Ifiye iyo Dhallinyarada cabasho wadajir ah oo ka dhan ah Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland u gudbiyeen Madaxweyne Deni, ogeysiiyeyna beesha caalamka.

Seddexda urur waxay ku tilmaameen doorashada tijaabbada ah mid baalmarsan dastuurka Puntland laguna qancinayo qaaraan-bixiyeyaasha. Waxay ku baaqeen in laga dhursugo dhammaystirka Maxkamadda Sare, in meesha laga saaro habka liiska xiran ee doorashada goleyaasha deegaanka iyo maamulka Deni uu bixiyo yaboohii laagu talagalay ururrada siyaasadda diiwaangashan.

Waxay seddexda urur soo jeediyeen shirweyne ururrada siyaasadeed ka qeybgalaan si wax looga qabto daahfurnaan la’aanta Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Seddexda urur waxay u arkaan doorashada TPEC korjoogtaynayso mid tijaabo uun ah oo ururradu aysan ku kala badin doonin waayo ururro aan looga codaynin dhammaan degmooyinka ay Puntland ka taliso ma yeelan doonaan sharciyad siyaasadeed.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo daahfuray ololaha ururadda siyaasadda, xili ay qaar kamid ah cabasho u gudbiyeen appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this