Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo taageertay Ra’iisul Wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16325833679501547.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku baaqay in Ra’iisul Wasaare Rooble looga dambeeyo arrimaha amniga iyo doorashooyinka dalka.

Madaxweyne Deni oo maanta hadal ka jeediyay munaasabad ka dhacday Garoowe ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu 1-dii May 2021 baarlamaanka hortiisa ku wareejiyay nidaamka amniga iyo doorashada, sidoo kale 27 May dowladda goboleedyada iyo dowladda federaalka ku heshiiyeen in amniga iyo doorashada dalka uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Wuxuu tilmaamay in heshiiskaas la fuliyo oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu guto mas’uuliyadda amniga iyo doorashada dalka, Madaxweyne Farmaajo uu fuliyo wixii uu ballan-qaaday oo fursad siiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Madaxweyne Deni ayaa madaxda dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay gacan ka siiyaan Ra’iisul Wasaaraha sidii ay nabad ugu dhici lahayd doorashada.

Madaxweyne Deni ayaa ku macneeeyay khilaafka madaxda federaalka mid la doonayo in lagu carqaladeeyo doorashooyinka dalka.

Hoos ka daawo muuqaalka Madaxweyne Deni

PUNTLAND POST

The post Puntland oo taageertay Ra’iisul Wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this