Sign in to follow this  
Deeq A.

Majaajiliste Ajikis & Dad kale oo Soomaaliya Caanka ah oo la sheegay geeridooda iyaga oo nool!

Recommended Posts

Deeq A.   

Majaajiliste Ajikis & Dad kale oo Soomaaliya Caanka ah oo la sheegay geeridooda iyaga oo nool!

.

Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo xalay warbaahinta Universal ay xalay baahisay inuu xanuunsanaya ayaa baraha bulshada maanta lagu baahiyay inuu geeriyooday inkastoo markii damble la xaqiijiyay in geerida Ajakis ay tahay waxba kama jiraa.

TV-ga Universal ayaa xaqiijiyay in warkaasi baraha bulshada la isla dhexmarayay uu yahay been abuur.

“Majaajiliiste Ajakis, waa nool yahay, weeyna soo hagaageysaa xaaladiisa Cafimaad . Waa been abuur wararka sheegaya in uu geeriyooday,” ayay booggeeda ku qortay Universal TV.

Xanuunka Ajakis waxaa xalay baahiyay TV-ga Unversal oo uu ka mid yahay howl-wadeenadeeda.

“Majaajiliiste Cabdi Muriidi Dheere Ajakis oo kamid ah howl-wadeenada TV-ga Unversal ayaa Muqdisho ku xanuunsanaya caawa.”

“Ajakis, waxaa ku soo booday xanuun,wuxuuna hadda ku jiraa mid kamid ah isbitaalada Muqdisho, dhaqaatiirta ayaana latacaalaya xaaladdiisa caafimaad.”

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ee Soomaalida ayaa waxaa marar badan lagu baahiyaa warar been abuur ah geerida dad caan ah, waxaa horay u dhacday in geerida dad caan ah lagu baahiyo baraha bulshada balse markii been noqotay. Waxaana dadkaasi ma mid ah:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

Xasan sheekh Maxamuud
Xasan sheekh Maxamuud

Bishii Febaraayo ee sannadkii 2014-kii ayaa waxaa magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka ku baahday hadal heyn ku aadan war soo baxay oo sheegayay in uu madaxweyne Xasan sheekh Geeriyooday.

Warkaasi sheegayay in madaxweynahii xilligaas ee dowlada federaalka Soomaaliya uu geeriyooday ayaa gil gilay magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliya.

Hase yeeshee markiiba waxaa soo baxday in warkaasi uu yahay mid aan waxba ka jirin oo been ah.

Afhayeenkii Madaxweynaha Dowlada federaalka Somaaliya ee markaasi Abdirahman Omar Osman Yariisoow AUN ayaa shaaciyay in madaxweynaha aanu qabin wax dhib ah oo daran caafimadkiisuna uu wanaagsanyahay.

Fannaanad luul Jeylaani

Luul Jeylaani
Luul Jeylaani

Luul Jeylaani, oo ku nool magaalada Minneapolis ayaa waxaa dabayaqaadii bishii April ee sannadkan la baahiyay warar sheegaya in Fanaanad Luul Jeylaani ay geeriyootay.

Warkaan ayaa aad baraha bulshada iyo xitaa warbaahinta qaar ee Soomaalida lagu baahiyay inkastoo markii dambe ay la sheegay inay nooshahay oo warkaasi been yahay.

Marka laga soo tago baraha bulshada, warbaahinada caanka ah ee Soomaalida ee baahiyay geerida Luul ayaa markii dambe raalli gelin ka bixiyay.

Fanaanadda Luul Jeylaani Cali (Luula) ayaa markiiba beenisay wararka been abuurka ah ee laga faafiyay. Wareysi muuqaal ah oo ay siisay ay Radio Muqdisho ayay ku sheegtay:

“Qofkasta waa uu dhimanaya geeridana waa xaq, balse Soomaalida dhammaan waxaan u sheegaya inaan nolahay”

Waxay sheegtay in saameyn weyn uu warkaasi been abuurka ku yeeshay dhammaan eheladeeda iyo asxaabteeda ee ku kala nool dunida dacalladeeda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this