Deeq A. Posted September 25, 2021 Wararka ka imaanaya degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada dhexe, ayaa sheegaya in halkaas qarax khasaare gaystay lagula beegsaday ciidamo ka tirsan AMISOM. Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la geliyo, ayaa la sheegay in lala beegsaday gaari nooca gaashaaman ah, xilli uu marayay nawaaxiga degmada Mahadaay ee Gobolkaas. Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada AMISOM, gaar ahaanna Burundi. Ha yeeshee, ma jiro war ku saabsan dhacdadaas oo ilaa iyo hadda ka soo baxay dhinaca ciidamada AMISOM. PUNTLAND POST The post Mahadaay: Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagu laayay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites