Sign in to follow this  
Deeq A.

Dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo loo gudbiyay maxkamadda danbiyada dagaalka ee ICC

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur ay ku midaysan yihiin qareenno Soomaaliyeed, oo ka dhisan magaalada Melbourne ee waddanka Australia, ayaa sheegay in ay dacwad ku saabsan danbiyo dagaal ka gudbiyeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dacwaddan oo loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka (ICC) ee magaalada Hague, ayaa ka kooban afar kiis danbiyeed oo loo haysto madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu sheegay garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax oo ka tirsan ururka dacwaddaas gudbiyay.

Kiiska gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil Faarax, dad lagu laayay magaalada Baydhabo, Cuna-qabatayntii la saaray Kismaayo iyo dhalinyaradii loo qaaday waddanka Eritria ayaa kamid ah dacwadda laga gudbiyay dowladda.

Garyaqaan Yuusuf Cabdi Faarax, ayaa warbaahinta VOA-da u sheegay in maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada dagaalka ICC ay ururkooda ka guddoontay gal-dacwadeedkaas ka dhanka ah dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo loo gudbiyay maxkamadda danbiyada dagaalka ee ICC appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this