Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Cirro Oo Maanta Kulan La Yeeshay Ex. Madaxweyne Siilaanyo, Amb: Baashe Cawil Iyo Boqor Buurmadow

Recommended Posts

Deeq A.   

Siilaanyo +Amb: Baashe Cawil+Boqor Cismaan +Guddoomiye Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro”
ayaa maanta oo jimce ah gelinkii dambe wuxuu booqasho iyo salaan sharafeed ugu tagay hoyga uu ka degen yahay magaalada Abu Dubai ee dalka Isku-tagga Imaaraadka Carabta Madaxweynihii Hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wuxuu ahaa kulan lagu waddaagay fikiro togan oo siyaasi ah iyo faallooyin guud oo ku saabsan waaqaca iyo waayaha waddanku marayo.
Ugu dambayntii Madaxweynihii hore ee JSL Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kalmad mahad-celin ah kusoo xidhay booqashadii iyo salaan sharafeedkii Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ugu yimid. Waxa kale oo kulankaas ku wehelinaayay Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka waa wayn ee Somaliland.

  • FB_IMG_1632490652498.jpg
  • FB_IMG_1632490649456.jpg
  • FB_IMG_1632490645195.jpg
  • FB_IMG_1632490642991.jpg
  • FB_IMG_1632490637298.jpg

Muniir Axmed Cigaal .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this