Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal dhex-dhexaad ka ahaa arrimaha caalamka Shantii Boqol ee Sanadood ee ugu danbeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dal dhex-dhexaad ka ahaa arrimaha caalamka 500 ee Sanadood ee ugu danbeeyay

Dagaalkii Marignano
Dagaalkii Marignano

In kasta oo Switzerland ay tahay dal buuraley ah oo xiran, haddana juqraafiga ay ku leedahay bartamaha Yurub iyo dhex -dhexaadnimadeeda, waa arrinta siisay xasilloonida siyaasadeed ilaa ay ka mid noqoto waddamada ugu qanisan adduunka.

Qarniyo badan, Switzerland waxay ahayd waddan dhex-dhexaad ah taas oo macnaheedu yahay in aysan ka qayb-qaadan karin iska-horimaad hubaysan haddii aan la weerarin, waxayna u adeegsan kartaa oo keliya ciidamadeeda is-difaaca iyo amniga gudaha.

Waxay ku biirtay Qaramada Midoobay sannadkii 2002, Waxaa ku hareereysan Midowga Yurub, waxay ka dhexbaxday inay raadiso xiriir dhow oo ay la yeelato deriskeeda awoodda leh iyo ururada kale ee caalamiga ah dhinacna, iyadoo doorbideysa waddo gooni u goosad ah oo dhinaca kale ah.

Dadka reer Switzerland, waxay si toos ah u gutaan doodahooda quseeya qaabka loo xukumayo iyaga oo adeegsada waxa loo yaqaano nidaamka dimoqraadiyadda tooska ah taasi oo aan ka dhicin wadamada kale, halkaas oo muwaadiniinta loogu yeero goobaha codbixinta, sannadkiiba dhowr jeer, si ay ugu codeeyaan afti qaran ama gobol iyo hindisayaal caan ah.

Maxay tahay sheekada dhexdhexaadnimada Switzerland?

Khubarada taariikhda ayaa sheegaya in Switzerland ay tahay dal taariikhda horyaalka difaac dhexe oo laga sameeyay gobol aan lahayn awood boqortooyo.

 

Muuqaalka magaalada Zurich
Muuqaalka magaalada Zurich

Switzerland waxaa la aasaasay sannadkii 1291 taasi oo xilligaas ahayd isbahaysi la oran jiray Cantons oo ka soo horjeeday boqortooyadii Habsburgs, waxaana isbahaysigaas uu la magac baxay Isbahaysiga Switzerland.

Deegaannada kala duwan (dhaqan ahaan loogu yeero Orte Jarmal), waxay ahaayeen inta badan dowlado madaxbannaan, oo ay ku midoobeen difaaca guud ee xorriyadda.

Switzerland waxay ka badbaaday saamaynta dowladaha kuwa ugu sarreeya iyadoon la qabsanin, inkastoo khilaaf gudaha ah uu si ba’an u saameeyay, gaar ahaan wixii ka dambeeyay dib-u-habayntii qarnigii 16-aad.

Casriyadii dhexe

Qarniyadii dhexe, dadka Swiss-ka aad bay uga fogaayeen dhex-dhexaadnimada iyo nabadda. In ka badan hal milyan oo calooshood u shaqeystayaal Swiss ah ayaa qarniyo badan ku dagaalamayay ciidamo shisheeye.

Waxaa jiray ciidamo badan oo reer Switzerland ahaa oo xilliyadaas ka dagaalamayay wadamo shisheeye.

Waxaa la yaab leh, in askarta la amaahiyo dhammaan waddammadaas oo si isku mid ahna ay ahayd in tallaabadii ugu horreysay ee loo qaado taas oo ahayd dhex-dhexaadnimada Switzerland.

Dagaalkii Marignano

Taariikhyahannada ayaa sheegaya in marka laga hadlayo xididdada sheekada dhex-dhexaadnimada Switzerland ay tahay in dib loogu laabto guushii Faransiiska uu ka gaaray ciidankii Switzerland ee Dagaalkii Marignano, bishii Sebtember sannadkii 1515, intii lagu jiray ololihii ugu horreeyay ee Taliyaaniga uu hoggaaminayey ee Boqor Francis I ee Faransiiska.

Dagaalkaas waxaa uu ka dhacay meel u dhow tuulada Marignano, oo 16km kaga beegan koonfur-bari ee magaalada Milan.

Dagaalkii Mariganano
Dagaalkii Mariganano

Dagaalka wuxuu keenay in Faransiiska uu dib u qabsado Milan iyo gunaanadkii Heshiiskii Nabadda ee Geneva ee 7dii Nofembar 1515 ee dhex maray Faransiiska iyo isbahaysigii Switzerland.

Waxay ahayd iska hor-imaad caadi ah oo u dhexeeyay ciidamada lugta Switzerland, iyo ciidamada Faransiiska oo ku hubeysnaa madaafiic iyo Fardaan.

Faransiiska ayaa si dirqi ah ugu adkaaday dagaalka, iyadoo ay jirtay in tira ahaan ciidamada Faransiiska ay aad u badnaayeen.

 

Boqorka Faransiiska, Francis I, wuxuu damacsanaa inuu qabsado Duchy of Milan, sidaas darteed wuxuu is bahaysi ka helay Venice, wuxuuna ka gudbay Alps, waxayna ciidamadii Faransiiska qabsadeen Novara, waxayna u jiheysteen dhanka Milan, oo ay ka difaaceen xulafadooda Switzerland.

Ka dib markii Switzerland ay la kulantay guuldarro iyo dhimasho aad u badan, dagaalkii Marignano, waxaa caddaatay in siyaasadaha fidinta ay kaliya horseedi doonaan burbur, islamarkana wixii xilligaasi ka dambeeyay, Switzerland waxay u janjeersatay dhanka nabadda.

Dhex-dhexaadnimada shuruucda caalamiga ah

Switzerland waxay si cad ugu dhawaaqday in ay dhexdhexaad tahay, sannadkii 1674.

Shirkii Vienna ee la qabtay sannadkii 1815, waxaa lagu aqoonsaday dhex-dhexaadnimada Switzerland iyadoo lagu daray sharciga caalamiga ah.

Switzerland waxay casriyeysay qaab-dhismeedkeedii siyaasadeed, markii la ansixiyay dastuurkii 1848-kii, oo ay ku jireen mabaadi’da xorta ah sida xuquuqda shaqsiga, kala-tagga awoodaha, nidaamka baarlamaan ee labada Aqal ee lagu aasaasay Kacaankii Faransiiska ee 1789-kii iyo Dastuurka Mareykanka.

Wixii ka horeeyay 1848, colaadda gudaha aad bay u badnayd, laakiin Switzerland waxay ku naaloonaysay xasillooni gudaha ah ilaa bartamihii qarnigii 19aad.

Waxaa laga sameeyay in ka badan 3,000 oo degmo ama dowlado hoose, oo ku yaal 26 maamul-goboleed, oo 6 ka mid ah dhaqan ahaan loogu yeero demikantons (kala badh koontiyada).

Dhex-dhexaadnimo ‘firfircoon’

Ka dib dhammaadkii Dagaalkii Qaboobaa, dhex-dhexaadnimadii Switzerland ayaa lumisay muhiimaddeedii, sababtoo ah shaqadeeda difaaca ayaa duugowday.

Intaa waxaa dheer, Switzerland waxay bilowday in ay kaalin firfircoon oo sii kordheysa ku yeelato siyaasadaha caalamiga ah iyadoo sanado badan si wayn uga qeybqaadaneysay arrimaha bani’aadamnimada iyo xafiisyada caalamiga ah ee diblomaasiyadda ee loo arkayay in ay liddi ku yihiin dhex-dhexaadnimadeeda.

Xitaa in ay ka mid noqoto Qaramada Midoobay waxaa loo arkayay inay la jaanqaadi karto dhex-dhexaadnimadeeda. Waxay UN ka mid noqotay sannadkii 2002.

Dowladda Switzerland waxay codsigeeda ku qortay inay dhexdhexaad ka ahaan doonto arrimaha oo dhan xitaa haddii ay xubin ka tahay Qaramada Midoobay.

Ciidamada dalka Switzerland
Ciidamada dalka Switzerland

Switzerland weli waxay leedahay dood joogto ah oo ku saabsan waxa la jaanqaadaya dhex-dhexaadnimadeeda iyo waxa aan ahayn.

Dhoofinta hubka, tusaale ahaan, waa il dakhli oo muhiim u ah Switzerland, laakiin badanaa waxaa loo arkaa in ay tahay mid xadgudub ku ah dhex-dhexaadnimadeed.

Laga soo bilaabo 1953, Switzerland waxay ka qaybgashay ergooyin nabadeed, laakiin militariga Switzerland ayaa laga yaabaa in aysan ka qaybqaadanin dagaallada sababta oo ah waxay dhowreysaa dhex-dhexaadnimadeeda.

Su’aasha ah in loo oggolaan doono in ay is hubeeyaan si ay naftooda u difaacaan ayaa ahayd arrin taaganayd illaa aftidii 2001-dii.

Kala duwanaanshaha dadka Swiss

Inta badan aqoonsiyada dhaqameed ee ugu weyn Yurubta Galbeed, Jarmal, Faransiis iyo Talyaani, waxay ku kulmaan Switzerland.

Haddaba, mid ka mid ah astaamaha lagu garto dalkan waa kala duwanaanshaha afafkaas.

Dastuurka Switzerland wuxuu u aqoonsan yahay Jarmalka, Faransiiska iyo Talyaaniga luuqadaha rasmiga ah. Laga soo bilaabo 1996, (Luqadda Gypsy), oo ah luuqad laga helo gobollada buuraleyda ah, waxay lahayd maqaam rasmi ah oo heer federaal ah.

Bilowgii qarnigii labaatanaad, in ka badan saddex meelood shan meelood oo ka mid ah tirada guud ee dadka ayaa ku hadlay Jarmal, shan meelood hal-meel waxay ahaayeen Faransiis, qiyaastii 12% waa Talyaani, iyo in ka yar 1 boqolkiiba oo ku hadli jiray Roomaan.

Ku dhawaad ​​toban meelood meel dadka ayaa ku hadla luuqad aan rasmi ahayn, iyadoo dadka ka soo jeeda Croatia, Portuguese, Serbia iyo Isbaanish ay ku jiraan qaybtaan.

Qaybsanaanta qowmiyadeed ee dalka ayaa si weyn uga tarjumaysa kala qaybsanaanta luqadaha.

Nabad waarta

Switzerland waxay iska ilaalisay inay kala daadato sida waddammada kale ee qeybo ka mid ah caalamka.

Dalka Switzerland waxay nabad ku naaloonaysay muddo dheer, waxayna ka badbaaday laba dagaal oo adduunka ka dhacay, qarnigii 20aad, markii la soo saaray fikradda “dhex-dhexaadnimo ee hubaysan”.

Muwaadiniinta Switzerland waxay u codeeyaan arrimaha la isku hayo sida socdaalka
Muwaadiniinta Switzerland waxay u codeeyaan arrimaha la isku hayo sida socdaalka

Switzerland waxaa ixtiraamayey deriskeeda, waxaana taa xigay koboc dhaqaale, iyadoo Switzerland si fiican ula qabsatay kacaankii warshadaha iyo koboca suuqyada maaliyadeed ee caalamiga ah.

Switzerland waxay waligeed tusaale u ahayd bulsho ka kooban qowmiyado kala duwan iyo afaf badan, oo ah meel ay dadyowga kala duwan ku noolaan karaan is-dhexgal bulsho oo ay u midoobaan danta guud, waana wax Swiss-ka ay ku faanaan.

Sannadkii 1999-kii, Ruth Dreyfus waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee dumar ah iyo haweeneydii ugu horreysay ee Yuhuud ah oo qabata jagada madaxweynenimo.

Si ay ugu noolaadaan sidii unug isku xiran oo ay u ilaalin lahaayeen dhex-dhexaadnimada ay dammaanad-qaadeen, qaybaha kala duwan ee dadka Swiss-ka waa in ay bartaan wada-shaqaynta dhexdooda ah.

Aragtida Swiss-ka waxaa si weyn u qaabeeyey baahi dhaqaale iyo mid siyaasadeed, taas oo ka dhigtay in ay noqdaan kuwo waaqaca ku nool, taxaddar leh oo caqli badan islamarkana aqbalay hal-abuurka iyo isticmaalka kheyraadkooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this