Sign in to follow this  
Deeq A.

Buuga Calaf Iyo Cugasho

Recommended Posts

Deeq A.   

 

image-1.png

 

“CALAF IYO CUGASHO”

Buuggani wuxuu ka hadlayaa waayihii la soo maray, duruufihii adkaa ee qaxa, iyo sida dadka Soomaaliyeed u wajaheen. Waa wiil iyo gabadh Soomaaliyeed Saxarla iyo Saxardiid oo hammigoodu sarreeyey, hoygoodii jooga, hilaadinayeyna in ay dalkooda ka hawlgeli doonaan ciyoon, oo mar qudha hungo ku soo dhacay. Bar biloowga sheekadu waa Jaamacaddii Lafoole iyo 1990. Xuddunta sheekadu waa Harare Zimbabwe iyo sannado dhawr ah dabadood 1995. Xarragada sheekadu waa xabsiyo loo badheedhay, xuduudo la weydaaranayao, xirsixidh diimeed, xaqdhowr dhaqan; iyo xubbi aadminnimo oo xishood lagu marriimayo.
Buuggani wuxuu tilmaan ka bixinayaa kartida iyo kalsoonida gabdhaha Soomaaliyeed. Saxarla, waa gabadh dhallinyaro ah oo iyada oo keligeed ah ubadheedhay inay wajahdo duruufihii adkaa ee lasoo dersay dadka Soomaaliyeed. Saxarla waxa dani labodilble ugu xidhaysaa magaalada Harare ee dalka Zimbabwe. Waa cidla iyo ciirsi la’. Iyada oo garoonka diyaaradaha ee Harare ka dhoofaysa oo baasaboorkii isla dalkaas Zimbabwe wadata ayaa la qabanayaa. Gabadh reer Zimbabwe ah oo ay UN-ta u wadashaqayn jireen, oo markeedii horeba imaanshaheeda Zimbabwe sabab u ahayd, ayaa damaanad ku soo deyneysa.
Saxarla xaalka ay ku sugnayd waqtigaasi waa;
“Cakuye hawl adduun badanaa,
Ma cidlo ciirsi laan fadhiyaa,
Cirkaa dheer, dhul kaa dheer
Caways ma kuududaa” (Axmed Cali Cigaal.)
Saxarla markan waa maxkamad suge. Muddada ay haysataa waa maalmo kooban. Goobtu waa waddan shisheeye. Saxardiid, ayaa si lamofilaan ah ugula kulmaya badhtamaha magaalada Harare. Saxardiid waa qaxooti tiisa la ciirciiraya, oo aan beerkiisa beer ka xigin. Waxa halkaa kaga dhacaysa. Saxardiid wuxuu galay halka ay Soomaalidu kaga maahmaahdo, “aniga oo aabbahay la la yaabban, ayaa aabbahayna aabbihii ii keenay!” Illeyn geed la cuskadaana. Rag talo kama dhammaato’e, Saxardiid wuxuu go’aan ku gaadhayaa inuu u badheedho samtobixinta Saxarla. Khatarta kaga imaan kartaa labadooda oo baxsanaya oo laamaha ammaanku gacanta ku dhigaan waa mid aan la malayn karayn. Yeelkeed, tii Allay noqon, Saxardiid way ka go’antahay inuu u badheedho khatar walba oo uu Saxarla ku badbaadin karo.
Dhexda ayuu marada ku xidhanayaa. Saxarli waa qof dhiifoon, oo garasho dheer. Intaa waxaa u dheer keni-adayg, karti iyo dhiirranaan aan xad lahayn. Waa hablihii Soomaaliyeed ee Hadraawi ku sifeeyey.
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashaan iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteenna mooyee
Geyi kale ma joogaan!
Waxa qoraagu buuggan ku soo bandhigayaa kalgacayl aadminimo oo duruufaysan; kalgacaylkaas oo aan daaha laga feydeyn dibnahana la soo marinayn, hase yeeshee, dareen-ficil lagu koolkoolinayo iyada oo diiinta iyo dhaqanka lagu dalandalinayo. Duruuf kasta oo adag oo ay la kulmaan, marnaba laga tallaabi maayo dhaqanka hufan ee Soomaalida iyo dhextaalka diinteenna xaniifka ah.
Waxa qoraagu soo tebinayaa, qaabka wanaagsan ee xilka ku saaran loo guto iyada oo aan xarrago iyo xishood laga tegayn. Buuggani waa xusuus marna xoodaaminaysa maanka, marmarka qaarkoodna xadantaynaysa dhaawacyo iyo haaro qalbiga ku kaydsanaa oo inbadan oo inaga mid ahi soo mareen.
Siyaasad, gobol, qabiil, iyo qaniinyo colaadeed midna qayb kama aha buuggan Calaf iyo Cugasho. Waa arrimo bulsho oo qof kasta oo inaga mid ahi meel ama meelo badan kasoo gelayo. Buuggani sheekada Saxarla iyo Saxardiid ha qaadaadhigo, laakiin, dulucda qoraagu qalinka u qaatay way ka qotodheer tahay sheeko labo qof u khaas ah; waxa sheekadan wax ku leh oo ay taabanaysaa, wiil kasta iyo gabadh kasta oo Soomaaliyeed oo duruufahan oo kale soo maray, ama haddaba ku dhexjira oo maraya; waa inteenna badan dadka Soomaaliyeed ee maanta nool wax taabanaya. Inta dhalan doontaana ay tahay in ay wax ka bartaan.
Gobannimadii lix jirka gashay, ayaa qoraagu idin kabbasiinayaa. Waa Hanadyare oo isaga oo lix jir ah oo aan weligii dhul Soomaaliyeed arag, naftiisa khatar u geliyey in uu marti sooro rag Soomaaliyeed oo socoto ahaa. Geesi Ilaahay ma xilo’e, Hanad wuu ku guulaysanayaa in uu raggaas kafaalo qaato oo si gobannimno leh u sooryeeyo.
Filashadii Gaarrisa iyo fajacii ka dhashay, waa qiso xanuukeeda iyo xusuusteeda leh oo buuggani idiin xantoobinayo. lamafilaanno badan, iyo taariikho la halmaala meerisyada buugga marba meesha la marayo, ayaad buuggan ka heli doontaa. Dhul iyo dad barasho kama madhna. Suugaantii Soomaaliyeed oo sixin iyo sabiib looga dhigayo sheekada buugga ayaad iyana buuggan kaga bogan doontaan.
Buuggani wuxuu diyaar kuugu yahay amazon.co.uk lifaaqan hoose taabo.
https://t.co/mceUCIqYF7?amp=1
SI WAXQORISTU DHAQAN INOOGU NOQOTO, QORAAGUNA DHIIRRIGELIN U HELO, QOF WALOOWBA
QAADO NUQULKAAGA.

Qore: Maxamuud I. Jaamac
dalmarbilaal@gmail.com
saxarlaiyosaxardiid@gmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this