Sign in to follow this  
Deeq A.

Seddex Urur Siyaasadeed Oo Cabasho U Gudbiyay Madaxweynaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Wararka PP) — Ururrada Mustaqbal, Ifiye iyo Dhallinyarada ayaa cabasho wadajir ah oo ka dhan ah Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland u gudbiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ogeysiiyeyna beesha caalamka.

Seddexda urur waxay ku tilmaameen doorashada tijaabbada ah mid baalmarsan dastuurka Puntland laguna qancinayo qaaraan-bixiyeyaasha. Waxay ku baaqeen in laga dhursugo dhammaystirka Maxkamadda Sare, in meesha laga saaro habka liiska xiran ee doorashada goleyaasha deegaanka iyo maamulka Deni uu bixiyo yaboohii laagu talagalay ururrada siyaasadda diiwaangashan.

PhotoCollage_20210924_204816729.jpg?resiSeddexda urur siyaasadeed waxay u arkaan doorashooyinka kuwo tijaabo ah oo aan lagu kala badinaynin.

Waxay seddexda urur soo jeediyeen shirweyne ururrada siyaasadeed ka qeybgalaan si wax looga qabto daahfurnaan la’aanta Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland.

Seddexda urur waxay u arkaan doorashada TPEC korjoogtaynayso mid tijaabo uun ah oo ururradu aysan ku kala badin doonin waayo ururro aan looga codaynin dhammaan degmooyinka ay Puntland ka taliso ma yeelan doonaan sharciyad siyaasadeed.

PhotoCollage_20210924_190031665.jpg?resi PhotoCollage_20210924_190213038.jpg?resi

© Puntland Post, 2021

The post Seddex Urur Siyaasadeed Oo Cabasho U Gudbiyay Madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this