Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadaalo Lagu Doonayay In Lagu Soo Afjaro Khilaafka U Dhaxeeya Madaxwaynaha Iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo guul-darraystay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Warar soo baxayay saacadihii u dambeeyay ayaa muujinaya in ay guuldareysteen dadaalo lagu doonayay in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeya madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaalkan ayaa waxaa gadh-wadeen ka ahaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), sida hore loo baahiyay.

Wasiir dowlaha madaxtooyada Galmudug Cumar Axmed Shido ayaa baraha bulshada ku faafiyay inay “fashil ku soo dhamaadeen” dedaaladii ugu dambeeyay ee lagu xalinayay khilaafka labada masuul.

“Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saacadood, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil,”ayuu ku yidhi qoraal uu wasiirka Galmudug soo dhigay Facebook, qoraalkaas oo ay sii faafiyeen Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Maclin Fiqi iyo dad kale.

Wasiirka madaxtooyada Galmudug ayaa sidoo kale dhaliilay xafiiska madaxweynaha, oo ku sheegay in ” lagala kulmay caqabad”.

“Iyadoo Raysal Wasaare Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan,” ayuu qoraalkiisa ku yidhi Cumar Shido

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this