Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo xukun ku riday rag u dhashay Ingiriiska iyo Malaysiya oo Puntland qabatay 2019

Recommended Posts

Deeq A.   
20210923_161411.jpg?resize=720%2C405&sslDarren Anthony (bidix) iyo Axmed Mustaqiim (midig)

Maxkamadda ciidamada ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta min 15 sano oo xasbi ah ku diray Darren Anthony Byrness oo u dhashay Ingiriiska iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid oo u dhashay Malaysiya.

Darren Anthony Byrness iyo Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa lagu eedeeyay in ay ka tirsanaayeen Al-shaabaab, Soomaaliyana soo galeen 2009 iyo 2010.

Darren Anthony Byrness ayaa lagu eedeeyay in uu Al-shabaab ka caawin jiray barnaamijyada xogta lagu ilaaliyo ee Software-ka, uuna ka qeybgalay dagaalo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud, Gedo iyo Shabeelooyinka.

Axmed Mustaqiim Bin Cabdal Xamiid ayaa isna lagu eedeeyay in uu Al-shabaab ka caawin jiray adeega gurmadka deg dega ah, uuna qayb ka ahaa dagaalo ka dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb.

18-kii bishii April 2019 ayaa Puntland qabatay labadan nin, dhowr bilood kadibna waxay ku wareejisay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyagoo tan iyo xiligaas ku xirnaa Muqdisho.

Darren Anthony iyo Axmed Mustaqiim ayaa hadda waxaa u furan racfaan ay ka qaataan xukun ay ku riday maxkamadda ciidamada Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post DFS oo xukun ku riday rag u dhashay Ingiriiska iyo Malaysiya oo Puntland qabatay 2019 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this