Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan shaaciyey Ogaadeen Dhaqaale Cusbitaalka Guud ee Hargeysa soo gala oo aan khansada Qaranka ku dhicin+Cida Maamusha Lacagtaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan shaaciyey Ogaadeen Dhaqaale Cusbitaalka Guud ee Hargeysa soo gala oo aan khansada Qaranka ku dhicin+Cida Maamusha Lacagtaa

saalax-e1632394079188.jpg
Xildhibaan Axmed-khaliif Jaamac Saalax oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, kana mid ah Guddida arrimaha bulshada, ayaa sheegay in Cisbitaalka Guud ee Hargeysa, waxa badan oo wanaagsan laga qabtay, sidoo kalena ay jiraan dayac iyo waxyaabo ka badan awoodda maamulka dhakhtarka Guud.
Xildhibaanka oo ka hadlaya waxyaabihi ay ku soo arkeen Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, waxa uu yidhi “Runtii wax badan oo aanan ogayn ayaa noo soo baxay oo kala duwan, Wax badan oo wanaagsan Ayuu dhakhtarku qabtaa runtii ,Wax badan oo Dayacana Way jiraan oo shaqadooda ka xun ama habka ay umaamulan awgii kutimid, iyo Wax Badan oo awooda Maamul ka baxsan.”
Xildhibaan Khaliif waxa uu intaasi raaciyey “Sidaasi awgeed weli, waxaa noo socda Baadhistayadii, Dhawaana Masuuliyinta ay khuseyso ee Wasaarada Caafimadka ayaan u yeedhi doonaa, Waxaa jira Dhaqaale Badan oo soo gala Dhakhtarka isla Markaan ay si toos ah u maamusho, Wasaarada Caafimaadka isla markaan aan Qasnada Dawladda ku dhicin
Xogteeda oo dhamaystirana, Waxan ka sheegi doonaa Golaha shacabka . Shacabkana waa loo soo bandhigi doonaa isha allah. Wax kasta oo la Xumeeyey ama la Dayacayna Waan usoo Bandhigi doonaa, Waliba Cidii Masuuliyadaas Lahaydna Waan sheegi Doonaa si loola xisaabtamo Si Ciqaabta ay Mudato loogu Abaal Mariyo.

 

 

Active

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this