Sign in to follow this  
Deeq A.

Horseed oo si adag uga digay in la qabyaaladeeyo doorashada golayaasha degaanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur siyaasadeedka Horseed, oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Maxamuud (Faroole), ayaa si adag uga digay in la qabyaaladeeyo doorashooyinka golayaasha degaanka Puntland.

Urur siyaasadeedka Horseed, ayaa sidoo kale cambaareeyay hadal ka soo yeeray urur siyaasadeedka Kaah, oo ku saabsanaa in degmada Qardho ay ku tartami karaan saddex Urur siyaasadeed oo ay hoggaamiyaan siyaasiyiin Reer Qardhood ah.

Saddexda Urur siyaasadeed ayaa kala ah; Kaah oo uu hoggaamiyo Siciid Deni, Mideeye oo uu hoggaamiyo Asad Diyaano iyo Sinnaan iyo Caddaalad oo uu hoggaamiyo Enj. Jebiye.

Halkaan ka akhriso Warka Horseed oo dhan

Kulan ay maanta isugu yimaadeen magaalada Qardho ururada siyaasada Puntland iyo Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa waxaa looga doodey anshaxa doorashada iyo habsimi u socodka doorashooyinka in la ilaaliyo.

Dood iyo falanqeyn badan kadib waxaa la isla gartey in ururada qaarkood joojiyeey baqdin galinta codbixiyaasha, balanqaadyada beenta ah iyo in dadka codka bixinaya Kaararkooda la urursado iyagoo loo balanqaadayo in dhaqaale loogu badalayo. Waxaana la isla gartey in saxaafada si wadajir ah looga hadlo si arimahaas loo joojiyo.

Inta kulankaas lagu dhexjirey waxaa goobta ka hadlay xubnaha ururka Kaah u matalyey kulankaas waxayna cadeeyeen in tartanka doorashada golayaasha degaanka degmada Qardho uu u dhexeeyo Sadex Urur oo kaliya taas oo macanaheedu yahay in sadexdaas Urur madaxdoodu ay ka soo jeedaan gobolka Karkaar gaar ahaan Qardho.

Ururka Horseed waxaa uu cambaareynaya kana digayaa in la qabyaaladeeyo doorashooyinka golayaasha degaanka. Doorashooyinka Golayaasha deganaka Puntland ururka Horseed waxaa uu aaminsan tahay in degaanada ay ka dhacyaan loo siman yahay, ururaduna aysan aheyn kuwa qabyaalad ku dhisan sida goobta laga sheegey.

PUNTLAND POST

The post Horseed oo si adag uga digay in la qabyaaladeeyo doorashada golayaasha degaanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this