Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax-dhigay dayac-tirka Laamiga Garoowe iyo Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
1-23.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta dhaggax dhigay dib-u-dayactirka 40km oo ka mid ah Wadada Isku xirta Laascaanood iyo Garoowe.

Qeybta dayactirka lagu sameynayo wadada Laascaanood-Garoowe, ayaa waxaa ku jira buundooyin, waxaana dhisaysa Dowladda oo ku fulinaysa hab-isku-tashi ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Shaqada socota ee dib loogu dayactirayo Wadooyinka Gobollada Puntland, wuxuuna la wadaagay Bulshada in sidoo kale la dhisi doono Jidadka Gobolka Gardafuu iyo Degmooyinka Taleex, Boocame iyo Buuhoodle.

Munaasabadda waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkadaha dhismaha fulinaya.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo dhagax-dhigay dayac-tirka Laamiga Garoowe iyo Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this