Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Ismaaciil “ Waxaan Diyaar U Nahay Garabsiinta Kooxaha iyo Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye ku xigeenka ahna madaxa suuq-geynta shirkadda Rakaab mudane Cali Ismaaciil ayaa kooxda Kubadcag yaraha ee Halgan u balanqaaday in ay garab Istaagi doonaan ilaa ay ka noqdaan horyaalka heerka ee kuabadcag yaraha Soomaaliya.

241114548_4379682495408250_3020679238505
“Anigoo ku hadlaya magaca shirkadda Rakaab waxaan balan-qaadaayaa in aan garab istaagi doono macallimiinta iyo ciyaartooyda kooxda Kubadcag yaraha Halgan” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Mudane b oo ah Guddoomiye ku xigeenka ah madaxa Suuqa-geynta shirkadda Rakaab.

MVI_0517.MP4.00_00_06_07.Still001-300x16
Dhinaca kale Cali Ismaaciil wuxuu soo dhaweeyay horomarka baaxada weyn ee ka socda Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha, isagoo madaxda Minifootboolka Soomaaliya u balan qaaday wada shaqeyn iyo horomarin.

241238492_4398297803546719_1587089308689
“Waxaan diyaar u nahay in aan si dhaw u wada shaqayno madaxda Xiriirka Kubadcag yaraha oo da’daalada kala duwan ka wada gudaha dalka iyo dibadda” ayuu sheegay Goobjoog Sports  u sheegay Gudoomiye ku xigeenka shirkadda Rakaab mudane Cali Ismaaciil.

240954054_4379679665408533_4346927725855
Ugu danbeyntii maamulka shirkadda Rakaab waxay soo jeediyeen in ay ka soo muuqan doonaan dhacdooyinka Xiriirka Kubadcag yaraha ee tartamada gudaha iyo ka qeybgalka ciyaaraha Xulka Qaranka Kubacag yaraha Soomaaliya.

15-300x225.jpeg
“Laga bilaawo maanta waxaan garab buuxda u nahay ciyaartooyda Xulka Qaranka Kubadcag yaraha Soomaaliya iyo in aan ka soo muuqano dhacdooyinka gudaha iyo dibadda ee Kubadcag yaraha Soomaaliya” ayuu balan-qaaday Guddoomiye ku xigeenka ah madaxa suuqgeynta shirkadda Rakaab mudane Cali Ismaaciil.

240585617_4398301883546311_4858072931242

Daawo Dardaaranka  Guddoomiye Cali Ismaaciil

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

Kooxda Halgan Oo Dhiirigelisay Ciyaartooyda Iyo macallimiinteeda

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this