Deeq A. Posted September 22, 2021 Kabul (Caasimada Online) – Taalibaan ayaa weydiisatay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay inay khudbad u jeediso madaxda adduunka ee ka qeybgalaya shir golaha loo dhanyahay ka socda New York, waxayna u magacowday afhayeenkooda fadhigiisu yahay Doha, Suhail Shaheen, inuu noqdo safiirka Afghanistan ee Qaramada Midoobay. Sida lagu sheegay warqad ay aragtay Reuters Talaadadii, Wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan Amir Khan Muttaqi ayaa codsigan ku ku gaarsiiyay warqad uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Isniintii. Muttaqi ayaa codsaday inuu hadlo inta lagu guda jiro shirka sanadlaha ah ee Golaha Guud, kaas oo la soo gabagabeeyo maalinta Isniinta ah. Afhayeenka Xoghayaha Guud, Farhan Haq, ayaa xaqiijiyay warqadda Muttaqi, waxaana warqadda Taalibaan ay meesha ka saareysa Ghulam Isaczai, oo ah danjiraha Qaramada Midoobay ee New York oo matalayay dowladda Afghanistan oo bishii hore ay Taalibaan ka saartay dalkaas. Warqadda Taalibaan ayaa lagu sheegay in hawshii Isaczai “ay soo idlaatay, oo uusan xilligan matalin Afghanistan.” Farhan Haq, wuxuu sheegay in codsiyada iska soo horjeeda ee kursiga Afghanistan ee Qaramada Midoobay loo diray guddiga aqoonsiga oo ka kooban sagaal xubnood, kuwaas ay ka mid yihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Ruushka. Guddigan ayay dhici karta in aysan arrintan ka fariisan kahor Isniinta oo ah malinta ugu dambeysa shirkan, sidaa darteed waxaa shaki laga qabaa in wasiirka arrimaha dibadda ee Taalibaan uu khudbad u jeedin doono Qaramada Midoobay. Aqbalaadda Qaramada Midoobay ee safiirka Taalibaan waxay noqon doontaa tallaabo muhiim u ah dalabka kooxdan oo raadineysa aqoonsi caalami ah. Markii ugu dambaysay ee Taalibaan xukuntay Afghanistan intii u dhaxaysay 1996 iyo 2001 safiirkii dowladda Afghanistan ee ay afgembiyeen ayaa ahaa danjiraha Afghanistan ee Qaramada Midoobay, kadib markii guddiga aqoonsiga uu dib u dhigay go’aankii sheegashooyinka iska soo horjeeda ee kursigaas. VOA The post Taalibaan oo magacowday danjiraha Afghanistan ee QM appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites