Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Kaah oo lagu eedeeyay in uu ku ololaynayo kaalmada hay’adaha Samafalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa eedeymo dhowr ah oo culus u jeediyay ururka uu hoggaamiye madaxweyne Deni ee Kaah.

War-saxaafadeed maanta ka soo baxay Mideeye ayaa lagu sheegay in ururka Kaah uu ku ololaynayo deeqaha hay’adaha safamafalka iyo waxqabadka dowladda ee loo siman yahay.

“Kaararka quudinta dadka danyarta ah oo ay hay’adaha samafalku ugu talagaleen in lagu badbaadiyo noloshooda ayaa loogu hanjabay in dowladdu ka wareejin doonto, ciddii u coddeyn wayda ururka Kaah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Mideeye.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay Kaah in uu codbixiyeyaasha kaararka qaatay uu kula gorgortamay lacag, kuna dirqinayo in ay u codeeyaan.

Urur siyaasadeedka Mideeye ayaa guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland u jeediyay in ay u kuurgalaan arrimahaas.

Puntland Post oo xubno ka tirsan ururka Kaah wax ka weydiisay eedeymaha loo jeediyay, waxay ka gaabsadeen in ay jawaab bixiyaan.

FB_IMG_16322493816152063.jpg?resize=695%

PUNTLAND POST

The post Puntland: Kaah oo lagu eedeeyay in uu ku ololaynayo kaalmada hay’adaha Samafalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this