Deeq A. Posted September 21, 2021 Xukuumadda Dalka Suudaan ayaa xaqiijisay inuu Fashilmay isku day inqilaab oo Saaka ka dhacay dalkaas. Warbaahinta Qaranka Suudaan ayaa baahisay warkan,dhanka kale Ilo wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan oo la hadlay wakaaladda reuters ayaa sheegay in sharciga la horgeeyn doono dadku ku lugta lahaa afganbiga dhicisoobay. Ilaa hada lama cadeyn cida ku luglahayd isku dayga afgembi,Sidoo kale lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay isku dayga afganbi iyo saraakiisha hoggaaminaysay. Dalka Suudaan ayaa sanada ka hor waxaa ka dhacay afgambi looga tuuray talada dalka madaxweynihii hore Cumar Xasan Al- bashir. PUNTLAND POST The post Afgambi Fashilmay oo ka dhacay dalka Sudan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites