Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed iyo AMISOM oo Amniga ka wada-hadlay

Recommended Posts

Deeq A.   
2-18.jpg?resize=696%2C385&ssl=1

Taliyaha Booliska Qeybta Gobolka Baay ee Maamulka Koonfur Galbeed Gaashanle Sare Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa shir gudoomiyey Shirka Guddiga farsamada Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa looga hadley qorshaha Ciidanka Booliska 2027 iyo Qorshaha Sugidda Amniga Doorashooyinka ka dhacaya degaannada Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidamada Booliska AMISOM iyo kuwa Koonfur Galbeed oo kulanka goobjoog ahaa ayaa waxaa ay taliyaha warbixin ka siiyeen xaaladda amniga ee degaannada Koonfur Galbeed.

Gabagabadii shirka Taliye Amiin Maxamed Cusmaan (Daruur) ayaa faray dhamaan saraakiisha Ciidamada in la dardar geliyo howlaha sugida Amniga degaannada ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal.

PUNTLAND POST

The post Koonfur Galbeed iyo AMISOM oo Amniga ka wada-hadlay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this