Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey isku day afgambi oo ka dhacay dalka Suudaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Khartuum (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Suudaan ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dalkaasi ka dhacay isku day afgambi, balse fashilmay, sida ay warisay warbaahinta maxalliga ah.

Koox ka tirsan tirsan millitariga Suudaan ayaa lagu soo warramayaa inay isku dayeen inay gabi ahaan la wareegaan talada dalkaasi oo dhan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mas’uuliyiin haatan ka tirsan dowladda ka talisa Suudaan ay qeyb ka ahaayeen afgambiga dhicisoobay.

Qoraal kooban oo ay dowladdu ka soo saartay dhacdadaasi ayaa waxaa dadka reer Suudaan loogu baaqay inay isku soo baxaan, si loo difaaco dalka.

“Waxaa fashilmay isku day afgambi, dadku waa in ay kahortagaan arrintan” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Dhinaca kale golaha haya talada dalka Suudaan ee TSC ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen ciidamada sameeyey isku dayga afgambi, ayna haatan gacanta ku hayaan dalka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana qeybo badan oo ka mid ah Suudaan lagu arkayaa ciidamada oo badan lagu soo daadiyey waddooyinka waa weyn ee dalkaasi.

Afgambiga ayaa kusoo noq-noqday Suudaan, waxaana ugu dambeeyey midkii xukunka looga tuuray Cumar Xasan Al-Bashiir 11-kii April ee sanadkii 2019, kaas oo isaga qudhiisa xilka ku qabsaday afgambi uu ku sameeyey xukuumadii Saadaq Al-Mahdi sanadkii 1989-kii.

The post Wararkii ugu dambeeyey isku day afgambi oo ka dhacay dalka Suudaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this