Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay ka wada-hadleen Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM?

Recommended Posts

Deeq A.   
2-15.jpg?resize=1000%2C666&ssl=1

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa saakay xafiiskiisa ku qaabilay Masuuliyiin ka soctay Xafiiska Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya (UNSOM).

 Masuuliyiinta waxa hogaaminayey Agaasimaha hay’adaha amniga iyo sharciga Mr Marco Carmignani, uuna weheliyey La taliye Sare ee arrimaha amniga Mr Jeffrey Sims, Madaxda UNSOM ee Puntland Mr Guy iyo Sarkaalka arrimaha Siyaasadda ee UNSOM Puntland Mr Abdiazis.

Waftiga ayaa uga warbixiyey Wasiirka ujeedka safarkooda ay ku yimaadeen Puntland, halka Wasiirkuna uga warbixiyey xaaladda gudaha Puntland; horumarka laga gaarey dhinacyada, amniga, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u habeynta hay’adaha dowladda iyo hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland iyo waliba xaaladda bini’aadantinimo ee gudaha Puntland.

PUNTLAND POST

The post Maxay ka wada-hadleen Puntland iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this