Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliban oo Baaba’iyey wasaaraddii Arimaha Haweenka+Wasaaraday ku bedeleen

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliban oo Baaba’iyey wasaaraddii Arimaha Haweenka+Wasaaraday ku bedeleen

.

Taliban ayaa u muuqataa in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday wasaaradda qaabilsaneyd arrimaha haweenka isla markaana ay ku baddashay wasaarad qaabilsan fidinta arrimaha dacwada ee dalkaas, sida laga soo xigtay kooxo si weyn ula socota arrimaha shareecda.

Jimichii, astaan ku dhagneyd wasaaradda haweenka Afghanistan ayaa meesha laga saaray, waxaana dhismaha wasaaraddaas lagu baddalay boor ay ku qorantahay wasaaradda arrimaha dacwada.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay haween u dhashay Afghanistan oo hor dhooban afaafka hore ee dhismaha wasaaradda kuwaas oo Taliban ka codsanayay inay u ogolaadaan in shaqada ay dib ugu laabtaan.

Xilliggii maamulkii Taliban, 1990s wasaaraddii arrimaha dacwada waxay xeerar adag kusoo rogtay haweenka.

Haweenka Afghanistan waxay 20 sano ee lasoo dhaafay u dagaallamayeen sidii ay ku heli lahaayeen xuquuqdooda aasaasiga ah xilli dalka ay gacanta ku hayaan Taliban waxay ka cabsi qabaan in meesha ay ka baxdo xuquuqdooda.

Weriyaha BBC ee ku sugan Kabul, Lise Doucet waxay kusoo warrameysaa in hoggaamiyeyaasha Taliban ay sheegeen inay ogyihiin in Afghanistan uu isbaddal ku yimid basle waxay haatan u muuqdaan kuwa qaadayaa tallaabooyin ka dhan ballanqaadka ay sameeyeen iyo siyaasadahooda.

Kooxaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa horraan ku eedeeyay wasaaradda arrimaha dacwada inay qaadeyso tallaabooyin ka dhan ah dadka kasoo horjeeda iyo in xeerar adag ay kusoo rogeyso muwaadiniinta gaar ahaan haweenka iyo gabdhaha.

Taliban replaced the Women's Affairs Ministry with the Ministry of Vice and Virtue. #Kabul #Afghanistan pic.twitter.com/odVd4avdHx

— Khalil Noori (@KhalilNoori) September 17, 2021

Balse xubno ka tirsan Taliban ayaa sheegay in wasaaradda ay qabaneyso arrimo muhiim ah isla markaana ujeedka loo aasaasay uu yahay fidinta dacwada islaamka si xumaanta looga hortaggo loona faafiyo waxyaabaha wanaagga ah.

Maxay qaban doontaa wasaaradda dacwada?

Wasaaradda arrimaha dacwada ayaa ah mid horey loo aasaasay ka hor maamulkii Taliban balse waxaa howlaheeda la ballaariyay intii u dhexeysay sanadihii 1996 ilaa 2001.

Wasaaradda waxay shaqo gelisaa boolis qaabilsan dhaqangelinta dacwada.

Wasaaraddan ayaa soo shaac baxday markii xubnaheeda ay garaaceen haween ku labisnaa dhar ay ku tilmaameen in uu anshax xumo ahaa ama garaac loo geystay haween maxrim la’aan ahaa oo kaligood iska socday.

Haweenka Afghanistan
Haweenka Afghanistan

Gabdhaha looma ogolo inay wax ka dhigtaan iskuulada dalkaas, waana tallaabo ay dhaqangeliyeen ururka.

Wasaaradda waxay mamnuucday in dadka ay isugu tagaan goobaha muusigada iyo goobaha kale ee maddadaalada.

Booliska ka tirsan wasaaradda waxay amar ku siiyaan dadka in xarumahooda ganacsi ay xiraan oo ay salaadda aadaan, waxay sidoo kale tallaabo ka qaadeysaa ‘dadka timaha u jarta sida reer galbeedka’

Maxay sameyn doonaan dumarka Afghanistan?

Shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradda haweenka Afghanistan ayaa isku dayay in dib ay ugu laabtaan shaqadooda balse waxaa loo diiday inay galaan dhismaha wasaaradda.

Mid kamid ah haweenka ka shaqeeya halkaas ayaa tiri, “Haddii aan nahay haweenka wax inoo soo haray ma lahan, mas’uuliyad ayaa inaga saaran qoysaskeena, waxaan nahay dad wax soo bartay ma dooneyno in aan guryaha joogno”

Haweeney kale oo ku sugneyd afaafka hore ee dhismaha wasaaradda ayaa sheegtay, “Haddii aysan jirin wasaarad ka shaqeysa arrimaha haweenka, dumarka Afghanistan, maxey sameyn doonaan? Taliban ma wuxuu damirkooda siiyay in haweenka Afghanistaan ay waddooyinka ka dawarsadaan?”

Haweenka shaqeeya ee ku nool Afghanistan ayaa lagu amray inay guryaha joogaan ilaa laga sameynayo qorshe lagu hubinayo ammaankooda, sida uu weriyeyaasha u sheegay afhayeen u hadlay Taliban

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this