Sign in to follow this  
Deeq A.

Feedhyahanka shaaciyey inuu doonaayo inuu madaxweyne ka noqdo dalkiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Feedhyahanka shaaciyey inuu doonaayo inuu madaxweyne ka noqdo dalkiisa

Feeryahan Manny Pacquiao
Feeryahan Manny Pacquiao

Feeryahanka u dhashay dalka Philippine, Manny Pacquiao ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharrax madaxweyne xilli sanadka dambe lagu wado in dalkaas ay ka dhacdo doorasho.

Ninkan waxaa soo xushay garab ka tirsan xisbiga PDP-Laban ee haya talada dalkaas.

Marka laga reebo xirfaddiisa feerka, Mr Pacquiao oo 42 jir ah, waa xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Philippines.

Madaxweynaha hadda haya talada Rodrigo Duterte ayaa laga hor istaagay in mar kale uu xilka madaxtinimada isku soo sharaxo balse waxaa soo xushay garab kale si uu ugu tartamo xilka madaxweyne ku xigeenka, tallaabadan ayaa si weyn loo dhaleeceeyay, waxaana lagu tilmaamay isku day uu awoodda mar kale kula wareegi rabo.

Waxaa feeryahanaka loo xushay in uu la tartamo nin lagu magacaabo Christopher “Bong” Go balse ninkan ayaa sheegay in uusan dooneyn in xilka xisbiga uu kala wareego madaxweyne Duterte.

Halka xisbigiisa ay ka codsadeen Mr Go in uu dib u eegis ku sameeyo go’aanka uu ka qaatay arrintaas.

Tallaabadan ayaa horseeday in gabadha madaxweyne Duterte, Sara loo soo jeediyo inay ku tartanto xisbigaas uu Mr Go ku gacan seyray.

Markii uu feeryahanka ahaa Mr Pacquiao wuxuu ku guuleystay tartamo caalami ah oo feerka ah.

Waxaa dhawaan ka adkaaday feeryahan u dhashay dalka Cuba, wuxuu sheegay in uu ka fariisanayo tartanka feerka.

Feeryahanka oo ka hadlay markii loo soo xulay musharraxa doorashada madaxweynaha, wuxuu yiri ” Haddii aan ahay feeryahan, mar kasta gudaha iyo dibadda ayaan ka dagaallami doonaa”

Mr Pacquiao wuxuu ballan qaaday in uu wax ka qaban doono musuq maasuqa iyo macluusha.

Waan nin caan ka ah dalka Philippine balse wuxuu wajahaya caqabado dhowr ah.

Ma kala cadda in garabyada isaga baxay xisbiga haya talada ee PDP-Laban uu guddiga doorashada dalkaas uu aqoonsano xisbi iyo in kale marka la gaaro doorashada 2022-ka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this