Sign in to follow this  
Deeq A.

“Masiirka Beesha Gabadhi Ma Meteli Karto, Waayo Waa Dumaashiday…” Suldaanka Guud Beesha Ayuub

Recommended Posts

Deeq A.   

Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan Suldaan Amiin Suldaan Faarax ayaa salluug ka muujiyey Xukuumadda Madaxweyne Biixi,taas oo uu sheegay in aanay wax xil ah ka hayn beesho,isla markaana aanay metelin masiirka Beesha Wasiir ku-xigeen Yurub Abiib,maddaama oo ay tahay haweenay.

Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan”Madaxweyne Muuse Biixi intii uu xilka qabsaday wax allaale wax uu noo dhiibay ma jirto Golayaashiisa Hay’addaha uu Magacaabo wax uu nagaga daray ma jirto,laba iyo sideed tannaad 82 ayaanu ahayn SNM dadkii nagaga dhintay illaahay ayaa oggaa ,waxa aanu ka dagaalamaynay dulmiga ayey ahayd ,beeshan dhexe dadka kalena wey dulmiday iyaduna wey is dulmiday,waxa aanu kamid nahay inta la dulmiyey .”

Waxa uu intaas ku sii daray “Halka ay sartu ka qudhintay waa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo aan wax-ba tirade nagu darrin ama saamiqaybsiga ayaananu kuba jirin annaga iyo beelo kale,waxa aanu leenahay dib ha loo eego Axdi qarameedkii beeluhu ay ku gadheen 1991-kii shirkii Burco “

Dhanka kalene Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa sheegay in aaanay gabadhi masiirka beesha matelin “Masiir ummaddeed gabadhi ma qaadi karto mana aqbali karno nama mateli karto,waayo waa dumaashiday weeye,beel ma noqon karto ,masiir ummaddeed qof dumar ahi ma qaadi karto oo illaahay ma oggola, annaguna ma oggolin “ayuu yidhi

Geesta kalene Suldaanka guud ee beesha Ayuub Suldaan Aadan ayaa sheegay in Madaxweyne Biix uu khadka ka saaray beesha ayuub “Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadd Somaliland wuu naga saaray khadka wax uu noo dhiibay ma jiraan walaa wasiir ku-xigeen ayaananu lahayn,beeshani cabasho baddan ayey qabtay inay la kullanto Madaxweynaha wey isku dayday,lakiin meel ay u marto ayey weyday, taas ayaa caddaynaysa in aanay meesha cidi noo joogin.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this