Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo Uu Madaxweyne Biixi La Yeeshay Madax-dhaqameedka Iyo Haldoorka Reer Awdal Oo Natiijo La’aan Ku Soo Dhammaaday Iyo Qoddobada La Isku Mari Waayey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo toddobaadkii hore socdaal ku tegay Magaalada Boorama, ayaa la sheegay in uu kullamo la yeeshay Madax-dhaqameedkaiyo Haldoorka Gobolka Awdal,kuwaas oo la sheegay inay natiijo la’aan ku soo dhammadeen.

Madaxweyne Biixi ayaa la sheegay in wax-garad reer Awdal ay kale hadleen tabashooyin kale duwan oo ay ka tabanayeen Xukuumadiisa,kuwaas oo ay kamid ahayeen saamiga Xukuumaddiisa iyo qadiyadda Banka Wajeele iyo jidka Berbera Corridor iyo arrimo kale.

Xoghayaha beeraha ee xisbiga WADDANI Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax oo arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Wax-yaabaha lagala hadlay waxa kamid ahaa mashruuca banka Wajaale, mashruucaas oo sida aynu ka war hayno dan guud ah,hase-yeeshee dadka la degaanka ah ayaa lagaga daray degaano, Gobolka Awdal waxa ka jirta tabasho ah in Madaxweynuhu uu ku ciiray degaanka reer Dilla ,isagoo ugu magacdaray in Mashaariic horumarineed laga fullinayo Banka Wajaale,lakiin’se ay ka muujiyeen dhalliilo farra baddan.”

Waxa uu intaas ku sii darray “Madaxweyne haddii aad horumarin ka fullinayso ka caddaalad samee, haddi aad maalgashi ka fullinayso ka caddaalad samee, haddii si kale looga faa’iidaysanayo aad ka samaynaysona ka caddaalad samee gacantaada ayey ku jirtaaye.”ayuu yidhi

Xoghaye Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa waxa kale oo uu sheegay in reer Awdal ay Madaxweyne Biixi kale hadleen jidka Berbera Corridor,kaas oo laga leexinayo halkii saxda ahayd “Qoddobka kale ee Madaxweynaha lagala hadlay waxa kamid ahaa Berbera Corridor oo ah jid gacansi oo isku xidhaya Somaliland iyo Itoobiya , Berbera marka laga soo bilaabo ilaa Wajaale waxa uu maraa jidkaasi Degaanka uu ka soo jeedo Madaxweyne Muuse Biixi,saddex killo mitir oo keliya ayuu ka maraa Gobolka Awdal ,waxay dadku tabanayaa in saddexdii kiillo mitir ee uu ka marayey Gobolka Awdal uu Madaxweynuhu ka leexiyey uuna marinayo koonfurta Wajaale,Ganacsato ay isku hayb yihiina uu yidhi maalgashada,su’aalihii laga weydiiyey Madaxweynaha waxa aan xog oggaal u ahay in aanu wax baddan ka qancinin,lakiin waxa aanu ku leenahay Madaxweyne dalku waa dalkaagii addigaana ayaana Madaxweyne u wadda ah, waddada halkii uu sarfay-gu marray marri caddaaladana illaali Gobolka Awdal,waxa uu kamid yahay waddanka aad Madaxweynaha u tahay .”ayuu yidhi

Geesta kale Madax-dhaqameedka iyo wax-garadka Reer Awdal ayuu sheegay in ay Madaxweyne Biixi kale Madaarka Magaalada Boorama iyo dhismaha jeelkii weynaa ee Gobolkaas,maddaama oo la iibiyey jeelkii hore “Wax-yaabaha lagala hadlay waxa kamid ahayd ee kale madaarka Magaalada Boorama,kaas oo la weydiiyey inuu dhisayo iyo in kale waxa uu sheegay haddal aad uga nixiyey haldoorkii hor fadhiyey oo uu yidhi waxani ma Madaar-baa,Waxa kale oo lagala hadlay Madaxweyna jeelkii Magaalada Boorama ku yaallay oo maanta haddii qof in la xidho dadkii loo daad gurraynayo Gobollada kale iyo degmooyin kale ,Gabiley ,Hargeysa iyo Mandheera,Madaxweynuhu jawaab waafi ah oo lagu qanco taanna kama uu bixinin “ayuu yidhi

Isagoo haddalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Waxaynu ognahay in jeelkii hore la iibiyey ku kalena la dhisin ,lakiin illo xog-oggaal ahi waxay tilmaamayaan in jeelkaa laftiisa lacagtiisii la musuq-maasuqay, isla Madaxweynaha ayey ku maqan tahay,taana Madaxweyne addiga ayaa jawaab waafi ah lagaa sugayaa.”

Gunnaanadkii Xoghayaha beeraha ee xisbiga WADDANI Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax ayaa sheegay in kullamadii uu Madaxweyne Biixi la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo qoor weynta reer Awdal ay ku soo dhammadeen natiijo la’aan”Kullamadii gooni goonida iyo guud ahaanba lahaa ee uu reer Awdal la yeesheen Madaxweyne Biixi waxay ku soo dhammadeen natiijo ma dhallays ah.”ayuu yidhi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this