Deeq A. Posted September 18, 2021 Wareegto Madaxweyne: 18/09/2021 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- Wareegto Madaxweyne MAGACAABIDMarkaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad; Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad; Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska; Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda; Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin ALLAA MAHAD LEH Muuse Biixi CabdiMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Source Share this post Link to post Share on other sites