Deeq A. Posted September 18, 2021 Soomaaliya waa wadan leh sooyaal soojireen ah oo kusuntan in uu ku dhisanyahay shareecadda islaamka iyo qawaaniin aan diideeyn inuu yahay mid shareecadu ay aasaas u tahay sida uu qabo qodobka 2aad ee Dastuurka Dowlada Somaliyeed ee kumeel gaarka ah, waana arin kutusinaysa waynaanta iyo sida uu u adeecayo ama ugu (khuduucayo) dhowrsanaanta diinteena suuban. Waxaan wax yar ka oran arimaha dastuurka iyo is-qabsiga hareeyay xaaladda kala guur ee hada kajirta wadankeena soomaaliya. Sida aan wada ognahay dastuurku wali maahan mid dhammaystiran oo waa kumeel gaar ama qabyo (draft), waana midkii 2012kii lagu suntay inuu wadanku leeyahay asaga uuna yahay kan usareeya wadanka laguna dhaqayo sida uu qabo qodobka 4aad ee isla dastuurka ku meel gaarka ahi, oo dhahaya sidaan:- “Shareecada ka sokow, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa sharciga dalka ugu sarreeya, isaga ayayna xukuumaddu u hoggaansamaysaa, wuxuuna hagayaa hal-abuurka iyo go’aannada siyaasadeed ee qaybaha Dawladda oo dhan. Sharci kasta ama tallaabo maamul oo ka soo horjeedda Dastuurka, maxkamadda Dastuuriga ah ayaa awood u leh burrinta sharcigaas ama tallaabadaas maamul, si waafaqsan Dastuurkan”. Sida ku cad qodobkaan aynu sare ku xusnay waxaa jiri doona waydiimo ubaahan inaan wax iska dhahnaa inagoo eegayna sida uu uqoranyahay qodobkaani. 1. Qodobkaani mayahay mid dhaqan gal ka ah madaxda soomaalida? 2. Mayahay dastuurku midka usareeya wadanka sida kucad qodobkaan? 3. Go’aanada madaxdu mayahiin kuwo kuqotoma adeecida iyo raacitaanka qodobkaan iyo dastuurka Guud ahaan? 4. Xagee la isla aadayaa hadii talaabo baalmarsan qawaaniinta lagukaco, ama layagleelo shuruuc aan waafaqsanayn kitaabka iyo dastuurkaba? 5. Qodobkaani wuxuu awood cad siinayaa maxkamada Dastuuriga ah aaway maxkadii uu xusay inay qabato shaqada kusuntan isla qodobka 4aad faqradiisa labaad? Waydiimahaasi dhammaantood waa kuwo unaahan inaan iswaydiinaa, jawaabahooduna waxay ubaahan yihiin fahamka dastuurka iyo kadhowrsanaanta danaysi, eex, iyo nin jeclaysiba intaba. Madaxda soomaalidu maahan kuwo fuliya waxa loo idmado inagoo og ayagoo mara dhaar ayna xilka iyo mas’uuliyada lasaaray sidaytahay uguta. Waxayna maraan dhaar ay siiqadeedu tahay sidaan uuna dhigayo qodobka 104aad ee dastuurka Kumeel gaarka ah ee Soomaaliya:- “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkayga u gudanaayo si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, dhawrana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla.” Alle amarkiis ayay ahaatay in mas’uul kastaa uu liqaa kitaab uusan umeel dayin manajiro mas’uul aan marin qodobkaan sida aynu wada ognahay midkasta kitaab soomaali wayn oodhammi ay marag katahay ayuu liqay. Waxaa layaab ah in habraaca dhaartu uu yahay mid saxan, balse mas’uulka habraacaas lamariyaa uusan bar-bilowgaas saxan uu dhaarta kugutay uu saacadda xigta uu hareer maraa wixii lagu dhaarshay. Waxaa qirayaa in kudhaqanka shareecada islaamka iyo qawaaninta adeecsaniba aysan ahayn kuwo loomaraa habraacyadii kusaxnaa, raacistoodu waxay inaka dhowri lahaayeen dayaca, dhibaatada, dulmiga, fasahaadka iyo waxwalboo xun oo aynu maanta soomaali wayni la ildarantahay. Hadaba, hadaan eegno habdhaqanka kajira xamar, iyo soomaaliya guud ahaanteedba majiro dastuur ladhowraa oo Lagu dhaqmaa siguud, waayo dastuurku makala sharaf, karaamo qiimo wayna sidoo kalena maahan mid qodabada ku dhigani ay yihiin kuwo qayb kamid ahi fulitaankeedu banaan yahay balse si siman oo adeecis leh ayaa loo raacayaa loona fulinayaa. Balse maanta waxaan jeclahay inaan soomaalida hab-dhaqankooda kadhanka ah waxaynu kuheshiinay ayaan rabaa inaan dul istaago anigoo kusalanaynaya murunka hareeyay arimaha soomaaliya ee hada taagan. • Waxaa jirah muran hada soomaalidu ay aragto inuu kajira madaxda dalka usareysa ayna umudan yihiin madaxwayne Mohamed Abdulahi Mohamed Farmaajo iyo Ra’isuwasaare Mohamed Hussen Rooble. • Muxuu yahay murankaasi muxuuse salka kuhayaa murankaasi? Murankaasi wuxuu yahay in dhammaantood ay hareer mareen wixii soomaalidu u idmatay ayna kudhaarteen si siman ayagoo aan uhiilin maslaxada umada soomaaliyeed iyo dhowrista dastuurkii ay udhaarteen inay kudhaqaan wadanka, hareermarida heshiisku sidaan horey kuxusay waxay ina dhaxalsiisay caadaysiga dulmi, kutagri fal awoodeed, nin jeclaysi iyo eex ayna umadoo dhami ujeedo, balse umaduna aysan jiritaanka khaladkaas cad, kadhiidhiyeen balse ayba sacada ugaraacayaan, ayagoona eegaya dan qof gaar ah Kuna laxamaynaya qabyaalad, iyo taageero indho la’aan ah, khaladka bulsha wayntu wuxuu ina xasuusinayaa qolka Alle subxaanahu watacaalaa oo oranaya sidaan:- (إنَّ اللّهَ لاَ يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُواْ مَا بِأَنْفُسِهِمْ) Alle mabadalo qoom ilaa ay ayagu gamcahooda isku badalaan miyaynaan hadaba inagu gacmaheena kushaqaysan waxa maanta inaga ka reebay umadihii kale oo qofkastoo Soomaali ahi uu yaqaanaa halkaas inaynu inagu is dhignay ayna ina dhigeen dadka maanta da’doodu udhexeyso 50 jirka ilaa iyo wixii kasii wayn, runtu waa sidaas, dhalintuna ayagu waxay qaadeen marinka loojeexay ayagoo xarago iyo horumar moodaya inay qaybahaan uqaybsamaan in ay iska dhigaan xaabo colaada Lagu huriyo, horgolayaal u adeega kuwo ayagu ubad koodu haystaan wado sharciyo kala danbayni taalo ayagoo halkaan usoo aada dharag dhacsi umad aan hadaf nololeed lahayn mid aduunyo iyo mid aakharaba!!!! • Hadaba waxaan tusaale kusoo qaadan dhacdo aynu dhammaanteen inta hada nooli ay marag utahay intayadii ogayd intaan ogayna aan rabaa inaan xasuusiyo. Waxaa dhacda marar badan in aan lamarin wado sharci ah, soomaaliduna waxay dhahdaa hal xaaraan ahi nirig xalaal ah madhasho ayagoo uga gol leh wixii bilowga kakhaldama saxnaansho dhammaadna mayeeshaan. Doorashada uu madaxwayne farmaajo doortay ra’isuwasaare Rooble may ahayn midii sharcigu qabay marka waxyaabaha waawayn oo dhacay aynu kanimaano, waxaan uga gol-leeyahay waxyaabaha waawayn oo dhacay markaan kanimaano, waxaa jirta dhaqan xaaraan ah oo sunne inoo noqday sida lagawada dharag sanyahay oo ah, inaan isku dooranaa lacag iyo dhiilal siyaasi ah, aynuna kudhacnay Hoga tusaalayntii fiicnayd oo Alle iyo Rasuulkeenuba inoo sheegeen oo ahayd in Xalaashu cadahay xaaraantuna cadahay balse kala cadaanta labadaasi ay tahay marag madoonto la inaka rabo inaan ka fogaanaa wixii xaaraan ah raacnaa xalaasha iyadoo ina dhaxal siinaysa liibaan iyo sacaado, aynuna il-dheer uyeelanaa arimaha isukaanshaha leh oo isticmaalkoodu digtooni rabo si aynu Shuhbaadka kudhacooda aan uga fogaanaa!!! Maxaan ulajeedaa maahan midii sharcigu qabay madaxwaynu xilkaqaadistii Ra’isulwasaare hore khayre waynu wada ogayn waxa dhacay oo uu madaxwaynu sameeyay. Madaxwayne Farmaajo gafafka uu galay ee dastuuriga ah waxaan kasoo Hal qabsanayaa kii uu sameeyay markii ay dhacday xil-kaqaadistii golaha dhacabku ay kusameeyeen Ra’isul wasaare hore Khayre, wuxuu madaxwaynuhu sibareer ah ujabshay qodobka dastuuriga ah ee 103 asagoo jabitaanka qodobkaas uu ujabshay inuu mudo bacdigeed soodoortaa mudane Raisulwasaare Rooble, wuxuu qodobkaasi sheegayaa sidaan:- Qodobka 103aad. Xukuumadda Xil-Gaarsiinta “Inta u dhexaysa taariikhda doorashada guud iyo marka Raisul-Wasaare cusub la dhaarin doono, Raisul Wasaarihii hore ee xilka hayey iyo Golihiisa Wasiirradu waxay sii haynayaan xilka, waxayna u fulinayaan waajibaadka caadiga ah ee Dawlada si xilgaarsiin ah.” Hadaba akhriste eeg waxaan siduu ahaa usoo qaadanay waxa kuqoran qodobka 103aad, sidaas waxaad ku ogaan madaxwayne farmaajo inuu hareermaray qodob sharci ah asagoo ficilka uu galay sida kucad qodobkaan uu yahay mid hareermarsan qodobkaan, in uu Ra’isulwasaare xigeenku ugusoosaaray wareegto sheegaysay xilgaarsiin asagoo baalmaray qodobkaas sharciguna ahaa inuu hadiiba isbadal dhacay uu mudane Xassan Cali Khayre uu isubadalaa xil gaarsiin asaga iyo xukuumadiisu, balse waxaynu ogayn in khayre xataa laga ilaashay inuu xafiiska tago, cid madaxwaynahana tiri khalad ayaad gashay majiro waayo maxkamad dastuuri ah oo shaqadaas qabata wuxuu usamayn waayay ayaa ah inuu siduu doono yeelo. Waxaa dhacday inuu qodobkaasi noqday looma ooyaan cid kahadashana aysan jirin Soomaalida inteeda kalena ay tiri bilif dhawaa madoolibaa badankoodna ayna u arkayeen sax ayagoo cuqdad uqaba odaygii hore dano siyaasiyana kaleh. Waxaanba raagin hadiiba uu Madaxwayne Ugafay qodobka 103aad Inuu Ra’usulwaare Roonlena kuu markiisa kuboodo bartay qodobka kii hore aan xusnay midkiisa ka horeeya oo ah 102aad. • Hadaba Waxaan mowduucaan udoortay waxaa jirtay waraaq asna uu dhawaan sooraaray mudane Ra’isulwasaare Rooble, oo qayru sharci noqon karta balse inta dan siyaasiya lehi ay leedahay waasax, kaaga darane sida madaxwayne Farmaajo 103 ugu xad gudbay ayuu Raisulwaare Rooblena ugu xad gudbay 102 isla dastuurka, waa labo qodob oo isxiga waa dastuur agoon iyo rajay ah waa dastuur madi ah oo aanan wax walal ahba lahayn sidaasna kunoqday looma ooyaan. • Muxuu oranayaa qodobkaasu ama uu daaran yahay, sikooban wasiir walbaa wuxuu mas’uul kayahay Howlaha shaqada wasaaradiisa, dabcan cidina si gaar ah ulama maamuli karto, oo waxaad dareemin waraaqdu inay badashay habkii ay wac usocdeen uuna wasirku bixinta lacagta asagu maamulayay waraaqdaas horteedna uusan udaba fadhicin cidkale balse uu raacayay habraacii ay ahayd I ay wax walbaa kubaxaan asna lagaarabaa xisaab celin iyo inuu udiyaar noqdaa islaxisaabtan markii lagaaro amaba loogu tagaa. • Maxaa diidaya in ninkastaa jeceylkiisa jilo, maxaa diidaya boolidii shalay lahelay ninkay kadhuntayna sifo aan sharci ahayn kusoo gashay uu kan helayna sifo sharci daraa ku isticmaalo? Jawaabtu waa iska cadahay waa waxba!!!! Madiidayaan weeye balse waxaa jiraysa xisaab cirib danbeedkeedu yahay mid ay adagtahay in laga baxsadaa. Hadaba arinkaasi wuxuu ina dhaxalsiin doonaa natiijo aan fiicnayn uuna ina dhaxalsiiyay madaxwayne Farmaajo waayo dalkaas asagaa loo dhaarshay wixii shalay kuwii kahoreeyay khaldeen inuu saxo ayuu inoo kudhaartay balse asna wixii uu jeclaa ayuu kasameeyay meesha. • Waxaan ula jeedaa qoraalkaan in ay jiraan khaladaad iyo ceebo badan oo kajira fahamka laga haysto dastuurka iyo wuxuu yahayba. • Waxaan darsay in loobaahan yahay in bulshada labaraa Lana fahamsiiyaa dastuurka iyo macnaha uu inoo ku fadhiyo. • Waxaan bilaabi doonaa inaan jeediyo cashar taxane ah oo kahadlaya dastuurka dalka iyo inaan bulshada fahamsiinaa qaabka loo fasiro iyo cida fasirkiisa leh inaan bulshada lawadaagnaa. Waxaan rajayn inaan qoromada caynkqano kale ah aan ka dhigo taxane qaybaha xigaha lasocda insha allah dhawaan. Waxaad ilawadaagtaa jawaabtaada ah wixii dhaliil iyo kudarsi ahba. Avv. Abdikarim Mohammed Awnur Xaad Garwayne Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites