Sign in to follow this  
Deeq A.

Faransiiska Oo U Yeedhay Safiiradii Ka Joogay Maraykanka Iyo Australia, Maxaa Ka Cadhaysiisay Faransiiska??

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Faransiiska ayaa sheegay inay dib ugu yeedhayaan safiirradoodii Mareykanka iyo Australia si ay wadatashi ula yeeshaan, kadib markii ay heshiis amni gaadheen dowladaha Maraykanka, Australia iyo weliba UK.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa sheegay in go’aanka ay gaadheen uu yahay mid ka dhashay xaalada adag ee ka soo cusboonaaday arrimaha ammaanka.

Isbahaysi ay sameysteen saddexda dal ee Maraykanka, Australia iyo Uk ayaa loogu magac daray Aukus,waxana Australa laga caawinayaa sameysashada gujisyada quwadda nukliyeerka ku shaqeeya.

Tallaabadan ayaa ka cadhaysiisay Faransiiska kadib markii ay meesha ka saartay heshiis balaayiin dollar ah oo ay Australia la gashay.

Faransiiska ayaa lagu wargeliyay isbahaysiga saacado uun ka hor inta aan lagu dhawaaqin.

Hadal uu soo saaray gelinkii dambe ee Jimcihii, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa ku tilmaamay heshiiska “mid dhabarka laga toogtay”, waxana uu sheegay in safiirada dib loogu yeerayo kadib codsi ka yimid Madaxweyne Emmanuel Macron.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this