Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Fahad Yaasiin lagu xannibay waddanka Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Garoonka Diyaaradaha Jabuuti lagu xannibay Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka NISA, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir iyo saraakiil Soomaaliyeed oo wehelisa.

Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi, ayaa xannibaadaas ku tilmaamay mid ka dhan ah xuquuqda musaafiriinta iyo shuruucda caalamiga, waxaana uu dowladda Jabuuti ka codsaday in ay fududayso Safarka mas’uuliyiintaas.

Sidoo kale, wuxu sheegay in dowladda Jabuuti mas’uul ka tahay wixii gaara Amniga Shakhsiga ah ee Fahad Yaasiin iyo saraakiisha la socota, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid fara-gelin ku ah Soomaaliya.

Waxaan u sheegeynaa Dowladda Jabuuti in ay masuuliyiintaas u fududeyso safarkooda, sidoo kale ay masuul buuxda katahay wixii dhibaato ah oo soo gaara amnigooda shakhsiga ah, anaga oo ka xun faragalintan qaawan ee xadgudubka ku ah labada dawladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Sidoo kale, wuxu sheegay in Fahad oo hadda ku magacaaban La-taliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo uu ka qayb-geli doono shir ku saabsan Amniga Qaranka oo berri Muqdisho lagu qaban doono.

Villa.jpg?resize=526%2C526&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in Fahad Yaasiin lagu xannibay waddanka Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this