Deeq A. Posted September 17, 2021 Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay in ay todobaadka dambe shir ku yeelan doonaan magaalada Garoowe ee xarunta Puntland. Shirka Garoowe oo dhici doona 21 ilaa 23 bishaan September ayaa la sheegay in looga hadli doono dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya. “Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan magaalada Garoowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka” ayaa lagu yiri war-saxaafeed wadajir ah oo ka soo baxay dowlad goboleedyada. Shirka ay iclaamiyeen madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu taagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha federaalka, kaas oo laga cabsi qabo in uu dib u dhac ku keeno doorashada. PUNTLAND POST The post Dowlad goboleedyada oo shir ku yeelan doona Garoowe appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites