Sign in to follow this  
Deeq A.

Khadiijo Diiriye: “Dastuurka KMG ah yaan la isku marin habaabin”

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16318070831883464.jpg?resize=720%

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ka hadashay shaqo joojinta uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Khadiijo Diiriye ayaa sheegtay in awooda Dastuurka ugu qoran madaxweynaha ay tahay in uu qof u magacaabo Ra’iisul Waasare, hase ahaatee uusan awood u lahayn in uu xilka ka qaado qofka uu magacaabay oo xasaanad baarlamaan ku noqda Ra’iisul Waasaraha.

Khadiijo ayaa qoraal ay ku qortay barteeda Facebook ku tiri “Dastuurka KMG ah qodobadiisa waa cad yihiin xarfihiisa T J X KH D R yaan la isku marin habaabin. Haddaan mid kaliya ka soo qaato, madaxweynaha awoodiisa Dastuurka ugu qoran waa mid kaliya oo ah hebel hebel ama fulaan fulaan ayaan u magacaabay Ra’iisul Wasaare, laakiin qofka uu magacaabo kuma noqon karo Ra’iisul Wasaare magacaabista madaxweynaha kaliya oo taasi awoodiisa kama mid aha, waa laga diidi karaa qofkaas ama wuxuu heli karaa xasaanada Golaha Shacabka”.

“Markay halkaas marayso bil-cagsigeeda qofkii uu magacaabay hadana xilka kama qaadi karo” ayay raacisay.

Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble in ay is-xasiliyaan oo nabad-qab iyo xasilooni siyaasadeed ku wada joogaan.

PUNTLAND POST

The post Khadiijo Diiriye: “Dastuurka KMG ah yaan la isku marin habaabin” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this