Deeq A. Posted September 16, 2021 Taliyaha Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramacad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax iyo sarkaal kale oo Boolis ah ayaa ku dhaawacmay dagaal dhexmay labo ciidan oo kawada tirsan dowladda oo ka dhacay Muqdisho. Ciidmado ka tirsan Booliska Turkigu tababaro ee Haramacad iyo Milateriga ayaa dagaal la xiriira muran dhul ku dhexmaray agagaarka Isgoyska Banaadir iyo wadooyinka ku hareereysan, waxaana dagaalkaas ku dhaawacmay ilaa 4 qof oo ay jiraan shacab. Dhaawaca soo gaaray Taliyaha Haramacad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax ayaa wararku sheegayaan in uu yahay mid sahlan. Sidoo kale dagaalka waxaa ka dhcay khasaare hantiyeed oo soo gaaray goobo ganacsi, iyadoo uu hakad galay isku socdka gaadiidka iyo dadka. Xaaladda aagagii lagu dagaalmay ayaa haatan ah mid degan, waxaana si caadi ah ku soo noqday isku socdka gaadiidka iyo dadka. Ma ahan markii ugu horreesay oo ciidamo kawada tirsan dowladda ay dhul ku dagaalamaan gudaha Muqdisho, marar badan ayaa dagaalo noocaan ah ka dheceen caasimadda. PUNTLAND POST The post Muqdisho: Taliyaha Haramacad oo dhaawacmay appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites