Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shiray wefdi ka socda Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-13.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey uqaabilsan Arimaha Soomaaliya Amb James Swan.

Wefdiga waxaa sidoo kale ka qayb-ahaa Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha soomaaliya iyo diblomaasiyiin kale.

Kulanka Madaxweynaha iyo Saaxiibada Beesha Caalamka inta uu Socday waxaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka, Amniga & sidii loo dardar gelin lahaa Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaliya.

Amb James Swan ayaa sidoo kale Madaxweyne Mudane Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ku amaaney kaalinta dhex dhexaadineed ee uu ka dhex wado Khilaafka Madaxda ugu sareysa dalka si Xasilooni siyaasadeed loo helana, sii wado dadaalkiisa.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la shiray wefdi ka socda Beesha Caalamka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this