Deeq A. Posted September 16, 2021 Ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa dagaal uu ku dhaxmaraya Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. Iska hor imaadkan ayaa u dhaxeeya Ciidanka Harmacad iyo kuwa Militiriga , waxana dagaalkan uu saameyn ku yeeshay adeegyadii ka jiray isgoysyada Banaadir iyo Soobe Dagaalkan ayaa salka ku haya muran ka dhashay , dhul ku yaalla dhabarka dambe ee Masjidka Cabdullaahi Ciise ee Banaadir. Askar ka tirsan Dowladda Federaalka ee dagaalka uu dhaxmaray ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhawaacmeen. Taliye ku xigeenka ciidanka ah ee Harmacad Cabdixamiid Abdullaahi Fanax ayaa la xaqiijinayaa inuu ka mid yahay saraakiil ku dhaawacmay dagaalkan , waxa sidoo kale jira dad kale oo shacab ah oo waxyeelo ay soo gaartay. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee la xiriira dagaalkan. Wixii ku soo kordha halkaan kala soco. GoobjoogNews Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites