Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble Oo Lakulmay Mahdi Iyo Cabdixaashi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankan ayaa sida lagu sheegay war qoraal ah kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha waxaa looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi iyo sidii loo dardar galin lahaa.

Intii uusocday kulanka waxaa laysla gartay in Mahdi iyo Gudoomiye Cabdixaashi ay gudbiyaan liiska musharaxiinta Aqalka Sare, waxa sidoo kale Kulanka goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashi Yuusuf AxmedFB_IMG_1631791131735-300x200.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this