Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Maraykanka oo beeniyay war laga faafiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa todobaadkan beeniyey war lagu faafiyay warbaahinta, kaas oo sheegayay in uu kulan ka diiday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping.

“Run ma ahan,” ayuu yiri Biden markii ay wariyeyaashu weydiiyeen inuu ka xun yahay in Xi uusan doonayn inuu la kulmo

La-taliyaha amniga qaranka ee Biden, Jake Sullivan, ayaa bayaan uu soo saaray isna ku sheegay in warbixintan “gabi ahaanba aysan ahayn sawirka sax ah oo ku saabsan wadahadalkii labada hoggaamiye’.

Safaaradda Shiina ee Washinton ayaan ka jawaabin mar la weydiiyay jiritaanka arrintan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Maraykanka oo beeniyay war laga faafiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this