Sign in to follow this  
Deeq A.

Mas’uuliyiin walaalo ah oo hadalo is khilaafsan ka dheegay baraha bulshada

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210915_202731371.jpg?resi

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaasbade) iyo Cabdiweli Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ka mid ahaa xildhibaanadii Aqalka Sare ee dhawaan lagu doortay Baydhabo ayaa hadalo is khilaafsan oo ku saabsan dhacdo la sheegay in ay ka dhacday Baydhabo ka sheegay baraha bulshada.

Wasiir Xaniifa ayaa madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ku eedeysay in uu ciidan ku weeraray hooyadeed, sababtuna ay tahay kala aragtida duwanaanshaha siyaasadda.

“Waxaan ka xumahay kala duwanaasha siyaasadeed ee madaxwayne Laftagareen iyo aniga in ay ku ekaan waysay siyaasadda ee loo dhacay maanta hooyaday macaan gurigeeda ciidan ka tirsan Nabadsugida Southwest tagaan, si ay u soo xiraan bilaa sabab, sidoo kale habaryertay qori lugu qabtay dilna loogu hanjabay” ayay tiri wasiir Xaniifo Xaabsade.

“Madaxwayne Cabdicasiis ayaa toos mas’uuliyadaas u qaadaya wixii meeshaa ka dhaca” ayay sii raacisay

Dhanla kale walaalkeed Senator Cabdiweli Xaabsade ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Wuxuuna yiri “Waxan umadda Soomaaliyeed ee samaha jecel islamarkaasna isoo wacayey u xaqiijinayaa anigoo ku hadalayo magaca eeer Maxamed Ibraahim Xabsade in aysan jirin wax weerar ah oo maamulka Koonfur Galbeed uu ku qaadey qoyska reer Xabsade”.

“Waxaan ka cudur daaranayaa raaligalina ka bixinayaa hadalkii xanafta lahaa ee ka soo yeerey Wasiiradda Haweenka Soomaaliya Haniifa Xaabsade, kaas oo u muuqday mid aan laga fiirsan oo aan xanbaarsanayn mas’uuliyad” ayuu raaciyay.

Wasiir Xaniifa iyo Senator Cabdiweli ayaa waxaa dhalay Marxuum Maxamed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu magaca dheeraa Koonfur Galbeed.

PUNTLAND POST

The post Mas’uuliyiin walaalo ah oo hadalo is khilaafsan ka dheegay baraha bulshada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this