Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa la siiyay Qandaraaska dhismaha Laamiga Jalam iyo Xarfo?

Recommended Posts

Deeq A.   
3-7.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo maanta ku tegey degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa dhaggax dhigay Mashruuca dib-u-dhiska waddada isku xirta magaalada Jalam iyo degmada Xarfo.

Mashruuca dib-u-dhiska Waddada Jalam-Xarfo waxaa iska kaashanaya Puntland iyo Midowga Europe, wejiga koowaad la dhisaya 65KM taasi oo qorshuhu yahay in lagu dhameystiro muddo 8 bilood ah, sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka waxa dhagax-dhiga ku weheliyay Wasiirka Qorshaynta Cabdiqafaar Cilmi Xange, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiirka howlaha Guud Axmed Bashiir Cirro , Maamulka Gobalka Nugaaal, kan degmada Burtinle iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay muhiimada ay wadadan u leedahay isku xirka Gobolada Puntland, wuxuuna kormeeray Shirkadda dhiseysa isagoo warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Masuuliyiinta gacanta ku haynaya dhismaha wadada inta uu socdo.

Xukuumadda Puntland ma sheegin cidda la siiyay Qandaraaska dhismaha wadada, balse wararku waxay sheegayaan in mar kale dib loo siiyay shirkad ka tirsan Company-ga Is-Xilqaan oo horay ugu fashilmay shaqadan.

PUNTLAND POST

The post Yaa la siiyay Qandaraaska dhismaha Laamiga Jalam iyo Xarfo? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this