Sign in to follow this  
Deeq A.

Afar Qodob Oo Uu Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan Ku Noqon Karo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo aan la gaadhin Muddadii loo cayimay qabsoomidda Shirwaynaha Xisbiga Waddani oo ah halka lagu jaangoynayo Hoggaanka sare ee Xisbiga rejada Shacabka, dhammaan taageerayaashiisu na diyaar u yihiin la shaqaynta cidda loo doorto, haddana waxa aan idin la wadaagayaa Afar Qodob oo aan u arko in ay sababi karto in Hoggaamiye Xirsi Cali X. Xasan loo doorto Guddoomiyaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) beddeli doona.

Q/1aad: Beesha Bariga Burco oo Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xasan ka soo jeedo waxa ay si aan kala hadh lahayn u noqdeen Mucaarid ku qancay Dariiqii Siyaasadeed ee Xirsi ugu yeedhay shan Sano ka hor. Waxa ay markhaati u fureen in uu ka saxsanaa yar iyo wayn, xitaa Madaxwayne Siilaanyo na ku dhahoo.  Waxa ay isku raaceen in inta Xirsi arakayay aanay iyaga u muuqan oo hungadii uu uga digayay iyo dabinkii Muuse la maagganaa ay ku dheceen. Taasi waxa ay Beeshan ku keentay in ay indhohooda iyo garaadkoodii ay ka jeediyeen ba ay mar qudha Xirsi ku eegaan oo dareemaan Ruuxda Hoggaamineed ee ku duugan, Siyaasad ahaanna qaar badan oo ku ceebaynayay fekerkii uu 2015kii qaatay na ku daba faylaan. Waxaabad moodaa in ay rumowday Heestii ay ugu heesayeen ee ahayd:

“Siilaanyo Dabadii

Noo noqo Siyaasiga

Somaliland Haga.”

Hadaba, Maadaama Codka Bulshadani go’aamin doono Natiijada Doorashada, Xirsi na kalsoonidaa ay ku qabaan, waa suurogal in uu bedelo Guddoomiye Cirro oo xisbigu odoroskan arko.

Q/2aad: MIISAANKIISA SIYAASADEED; Hoggaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu bulshada Somaliland baray in uu yahay Siyaasi Miisaan culus, aragtidiisana ku qancin kara dad badan. Dhaawaca uu gaadhsiiyey  Xirsi xisbigii Kulmiye ka dib markii uu diiday Jujuubka Muuse loogu cumaamaday, si la mid ah sida ay dhayda uga cadaysay in uu yahay Siyaasi Ildheer waxa ay daaha ka qaaadday Miisaankiisa Siyaasadeed. Waxa mar isla casilay oo fekerkiisa la qaatay kala badh Xukuumaddii xilligaas talinaysay oo lagu tilmaamo tii ugu tunka waynayd ee Waddanka ka arrimisa iyo kala badh Xisbigii kulmiye. Tiraba 2 Jeer oo xiligii Xirsi ka horaysay iyo mid ka danabaysa ba Xisbiga Kulmiye Doorashooyin dhexdiisa ahaa khilaaf iyo kala jab waa ka dhashay balse mar na ma dhicin in tiro leeg Garabka Isbaahaysigu ay ka tagaan. Labada ka horreeyey mar wuxuu ahaa Xiligii Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Saylici la kala dooranayay oo Garabkii Tolwaa aanay saamayn ku yeelan xisbiga. Markii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo isna aan wax-ka-soo qaad yeelan iyo mar ka danbeeyey oo ahayd Markan Maxamuud Xaashi oo uu keligii ka huleelay Xisbiga balse aan hal qof -Xubin Gole dhexena Alle ha ka yeelee, aanay fekerkiisa raacin ee isagoo suke ah uu debedyaal ku danbeeyey.

Tani waa astaan caddaynaysa Misaaanka Siyaasadeed ee Xirsi, waana mid sababi karta in Xubnaha Xisbigu ugu xishaan Guddoomiye na ugu doortaan.

Q/3aad: SALBALLAADHNIDA SIYAASADDA XIRSI; Weelka siyaasadeed ee siyaasigu tosho wxay ka caawisaa Hiigsiga mustaqbalka. Xirsi Cali Xaaji Xasan intii uu Siyaasadda ku jiray laguma xaman, lagumana arag qoqob bulsho iyo qabyaalad, halkay doonto ba ha joogtee. Waa siyaasi furan oo aan albaabbadiisa Laxaamad Qabyaaladeed ku xidhnayn, dadkana kula saaxiiba Feker ee aan caabudin Qolada. Waxa ku xidhan oo la jaal ah Dhallinyaro badan oo ka soo jeeda Gobollada Dalka, halka Siyaasiyiinta lodkiisa ahi ku mashquulsanyihiin kala xantaynta Jufadooda. Tusale ahaan, qaar Siyaasiyiinta ay isku beesha yihiin oo Xirsi lodkiisa ahi waxa ay Lacag ku bixiyaan kala shirinta, kala xuuraamidda iyo isku eryidda beeshooda.

Xirsi hal maalin lagama hayo arin qoqob ah, Maalinna lagama arag kala qaad qaadka beesha uu kasoo jeedo, iska dhaafe xitaa dhammaan beelaha Dalka, maadaama Xisbigu aanu u baahnayn qof godobaysan waxa laga yaabaa in Xisbigu Salballaadhnida Siyaasadiisa awgeed Guddoomiyaha ugu cimaamadaan.

Q/4aad: KARTIDA XIRSI, HAYALSAMIDA JIRDE & HOGGAAMINTA CIRRO; marka la joogo Xisbiga Waddani, saddexda Xil ee  ay kala hayaan Cirro, Xirsi iyo Jirde waa kuwa ugu sarreeya Xisbiga. Guddoomiye Cirro waxa laga yaabaa in uu Guddoonka wareejiyo inkastoo aanay jirin wax ku khasbaya in aanu taramin haddana sida ay u badan tahay waa uu wareejinayaa, haddii taasi dhacdo waxa isku soo hadhaya Xirsi iyo Jirde. Guddoomiye Cabdiqaadir Jirde waa astaan Qaran iyo mid Xisbi oo Ixtiraam iyo mudnaan ka mudan dhamaan Bulshada Somaliland. Waa Oday Waayo arag ah oo mudan in uu waddanka Hoggaamiyo. Balse isagoo dardargelinta Hawlaha Xisbiga iyo in uu Guulaystaba ka talinaya waxa laga yaabaa in uu Xilka Guddoomiyaha u garto in Xirsi oo ka da’yar laga dhigo. Waa qodob aad u macquul ah oo qof kasta oo dadnimada Jirde garanaya iyo halka uu Xisbiga ka joogo uu saadaalinayo in uu dhaho “waqtigaygii u badnaa waan soo qaatay oo carcar iyo orod badani iguma hadhine ninkaas dhallinyarada ah u dhiiba anna Khibraddayda iyo Waayo aragnimadayda ayaan la garab taagnaan doonaa”.

Bir kumaan jarin balse waa afar qodob oo aan isleeyahay aawadood Xirsi Cali X. Xasan gafi mayo Xilka Guddoomiyaha, Ilaah baana garanaya cidda noqon doonta wixii ka danbeeya 31 October oo wax kastaaba dhayda ka caddaan doonaan.

Haddaanu Siyaasiyiinta iyo taageerayaasha xisbiga nahay na waxa naga go’an la shaqaynta Xubin kasta oo naga mid ah oo noqota Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee waxba qolada Kulmiye yaanay cimri dherer ka dhiganin wadwadka hawlaha xisbigayaga dhexdiisa ee tiina baylahda ah kala gurta ayaan leeyahay.

Qore: Siyaasi Abiib M. Waasuge

London,UK

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this