Deeq A. Posted September 14, 2021 Muuse Suudi Yalaxow ayaa mar labaad loo doortay xubin ka mid ah xubnaha Hirshabeelle ku matal Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya. Muuse Suudi oo tartan adag la galay afar musharax ayaa wareegii labaad 55 cod kaga guuleystay Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo helay 44 cod. Muuse Suudi ayaa noqday xildhibaankii ugu horraysay Aqalka Sare ee caawa lagu doorto magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle. Muuse Suudi oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii ugu tunka waynaa Muqdisho, ayaa hadda ka mid ah xubnaha ugu mayalka adag mucaaradka. PUNTLAND POST The post Muuse Suudi oo kursigiisii difaacday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites