Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – War hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in qarax uu ka dhacay meel u dhow albaab laga galo xerada Xalane ee shisheeyaha ay degan yihiin ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay, qaraxa ayaa ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan inta u dhaxeeysa bar kontorool oo laga galo Xalane iyo xerada Jeneraal Gordon.

Sida ay noo xaqiijiyeen goobjoogeyaal, waxaa qaraxa lala beegsaday 

maqaayad ku dhow meel lagu qaado canshuurta dowlada hoose, balse weli ma cadda nooca uu ahaa qaraxa, inkasta oo warar horudhac ah ay sheegayaan inuu ahaa is-miidaamin. 

Goobjoogeyaasha ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay qareaxa, balse weli ma cadda tirada rasmiga ah.

Qaraxa ayaa imanaya toddobaad kadib markii Caasimada Online ay shaacisay xog ku saabsan digniin kasoo baxday xafiisyada amni ee ay hay’adaha ajnabiga ah ku leeyihiin Muqdisho, gaar ahaan xarunta Xalane iyo sirdoonka Soomaaliya, oo ku saabsaneyd inay Muqdisho ka dhici kaaraan weeraro culus.

Xogta ay bixiyeen khubarada amniga, oo ay heshay Caasimada Online, ayaa sheegeysay in weerarada qaraxyada ah ee laga cabsi qabo ee ka koobnaan; kara rag soo xirtay jaakadaha qarxa, gaadiid qaraxyo ah iyo qaraxyada gaadiidka lagu xiro ee badanaa lagu dilo wadaha gaariga.

Halkan ka aqri xogtii iyo digniintii aan bixinay 7-dii September. 

The post DEG DEG: Qarax ka dhacay agagaarka xerada Xalane ee Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this