Sign in to follow this  
Deeq A.

Basaasad Maraykan ah oo shaacisay in Soomaaliya ka khatar badan Afghanistaan

Recommended Posts

Deeq A.   
Basaasad Maraykan ah oo shaacisay in Soomaaliya ka khatar badan Afghanistaan
basaasad.jpg

Shir amniga Maraykanka looga hadlayay oo Isniintii ka dhacay magaalada Washington, ayaa xilli ay khudbad jeedinaysay basaaska ugu sareeya dalkaas ayaa waxa ay sheegtay in Afgaanistaan ​​aysan hadda ahayn meesha hanjabaadaha ugu badan ee argagixisada caalamiga ah ee ku wajahan dalka lagu maleego, sida ay baahisay warbaahinta CNN.

Xilli qaar ka mid ah dadka wax dhaleeceeya ay ku doodayaan in Afghanistaan ay hoy u noqon karto ururada argagixisada sida ISIS iyo al -Qaacida si ay dib isugu urursadaan kadib bixitaankii Mareykanka.

“Hanjabaadaha argagaxisada ee ka imanaya Soomaaliya, Yemen, Suuriya iyo Ciraaq – gaar ahaan ISIS – ayaa ka khatar badan kuwa laga yaabo inay ka yimaadan Afgaanistaan,” Ayey tiri Agaasimaha Sirdoonka Maraykanka Avril Haines xilli ay ka hadlaysay shir -sannadeedka Sirdoonka iyo Amniga.

“Marka la eego Maraykanka, halista hadda ka imaanaysa kooxaha argagaxisada, ma mudnaan siineyno liiska ugu sarreeya Afghanistan,” ayay raacisay.

“Meelaha la rabo inaan eegno waa Yemen, Soomaaliya, Suuriya iyo Ciraaq oo ay joogaan kooxda ISIS, halkaas ayeyna halista ugu weyn nooga imaanaysaa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this