Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Saacid Xuseen Cabdi “Hiigsigeenu Waa In Aan Fursad Siinaa Shan Milyan Oo Dhalinyarada Soomaaliyeed”

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Saacid Xuseen Cabdi , sidoo kalane ah Guddoomiyaha isboortiga Degamda Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa Goobjoog kala hadlay arrimo badan oo ku aadan horomarka iyo is badalka ka jira Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha dalka.

Sacid.mp4.00_01_07_02.Still003-300x225.j
“Hogaanka Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka ayaa ii magacaabay in aan hogaamiyo shaqada culus ee tartamada Minifootboolka, runtii mudadii aan hayay xilkaa waxaan gaarnay guulo waaweyn” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka mudane Saacid Xuseen Cabdi.

Sacid.mp4.00_04_13_08.Still006-300x225.j
Dhinaca kale Guddoomiye Saacid Xuseen wuxuu guul weyn ku tilmaamay ka qeybgalka tartankii Kubadcag yaraha Qaarada Afrika ee bishii July 2021 ku qabsoomay dalka Nigeria, isagoo u mahadceliyay wafdigii ka socday Soomaaliya ee tagay magaalada Ibadan ee dalka Nigeria.

15-300x225.jpeg
“Soomaaliya waxay u aheyd sharaf iyo guul ka qeybgalka tartanka Qaarada Afrika ee Minifootboolka, balse hadafkuuna waan in gaarnaa kaalamaha hore ee tartanka Kubadcag yaraha Caalamka iyo Qaarada Afrika” ayuu hadalkiisa soo raaciyay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha mudane Saacid Xuseen Cabdi.

Sacid.mp4.00_02_45_10.Still004-300x225.j
Inkastoo Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadcag yaraha oo soo jiray tan iyo 2015 , hadana doorashadii September 2020 lagu doortay maamulka cusub , waxay is badal weyn ku sameeyeen hannaanka shaqo ee Xiriirka, waxayna taas kor u qaaday in hogaanka cusub ay la yimaadaan waxqabad ka duwan kuwii hore.

241238492_4398297803546719_1587089308689
“Doorashadii September 2020 waxay Soomaaliya u aheyd fursad weyn , sababtoo ah jiritaanka iyo horomarka Xiririka Kubadcag yaraha hada ayuu ka duwanyahay shantii sanno la soo dhaafay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Guddoomiye Saacid Xuseen Cabdi.

240954054_4379679665408533_4346927725855
Guddoomiyaha tartmada Xiriirka Minifootboolka Soomaaliya, sidoo kalane ah Guddoomiyaha Ciyaaraha degmada Warta Nabada Mudane Saacid Xuseen Cabdi wuxuu balan-qaaday in ay qaban doonaan tartamada Kubadcag yaraha Degmooyinka iyo kan Gobolada Soomaaliya.

MVI_0064.MOV.15_58_59_07.Still001-300x16
“Yeelkeena waa in aan qabanaa bilaha soo socda tartamada Kubadcag yaraha degmooyinka iyo kan Gobolada , waxayna u jeedada tahay in la helo ciyaartooy xirfada wanaagsan oo matasha Xulka Kubadcag yaraha dalka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Guddoomiyaha tartamada Xiriirka Soomaaliyeed ee Minifootboolka Mudane Saacid Xuseen Cabdi.

240585617_4398301883546311_4858072931242

Daawo Guddoomiye Saacid Waraysi Uu Siiyay Goobjoog Sports

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan SOMFA

Guddoomiye Xaaji Aadan “Waxaan Rabnaa In Aan Fursad Siino Halmilyan Oo Dhalinyaro Soomaaliyeed Oo Matasha Xulka Qaranka Soomaaliya”.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this