Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashooyinka oo warbixin u gudbiyay Ra’iisul wasaare Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay xubno ka tirsan Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Federaal ee loo xilsaaray doorashooyinka Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa Warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha halka ay marayaan howlaha Doorashada, iyadoo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka jawaabay codsiyo la xiriira sidii loo dardargelin lahaa howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyay Xubnaha Guddiga sida ay ku wadaan howlaha doorashooyinka socda, waxaana uu kula dardaarmay inay dardar geliyaan doorashooyinka dhiman ee labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya oo loo xilsaaray qabsoomida doorashooyinka dalka ayaa dhowr sheegtay inay qaban doonto doorashooyin xor iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

PUNTLAND POST

The post Guddiga doorashooyinka oo warbixin u gudbiyay Ra’iisul wasaare Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this