Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Waxa Aad Jeclaato Ha Xadin

Recommended Posts

Dunida waxaa ka buuxa dad xumaha jecel, waxaa kale oo ka buuxa dad samaha jecel, labadaas qolo ayaa maanta isku mar ila wada kulmay. Dadkan dambe ayaa foolxumada dhacday iyo halka ay ka dhacday soo arkay dabadeed iyaga oo yaabban iiga soo warramay. Haye, bal aan soo eegee i yara suga, ayaan ku idhi, markii aan ka tilmaan qaatay. Meesha la ii tilmaamay waa ban xaaluf ah oo dulin badan, waxaana tuldo caato ah oo booli ah ku celceshada nin lagu magacaabo Daahir Cabdulle Calasow. Waa: waagacusub.net.

 

Halkii baan isku sii daayey. Waxaan la kulmay ninkaas oo aannaan qof ahaan isu aqoon. Waan bariidiyey, saa aamus ayuu igaga sii jeestay! Hareeraha ayaan eegay, mise wallaahay waa tan ceebtii la ii soo sheegay halkan wadhan! Dabadeed markii hore waxaan mooday qalad ka dhacay, waayo bani aadamku wuu qaldamaa. Haddaba si aan wax u hubsado ayaan furay dhammaan dhawrka qaybood ee uu u qaybsaday qisadayda caanka ah ee magaceedu yahay ”Saddex nafood” taas oo aan afar sano ka hor warbaahinta soomaalida ku faafiyey. Mise wallaahay magaciisa oo saddexan ayaa qaybaha oo dhan ka wada hoos madow! Waar illayn ibtilo! Oo ninka maxaa qaaday?!

 

Oo heedhe, waxa meesha ugu qoran oo dhami ma waxyaalo uu soo tuugaystay dabadeed sheegtay oo magaciisa ku qortay baa? ayaan isweydiiyey. Bal aan maqaallo kale iyo sheekooyin kale oo meesha ku jira furee i yara suga! Dhawr baan furay, laakiin qaarkood magacyo aan kiisa ahayn baa ku saxiixan. Oo haddaa muxuu aniga keligay sheekadayda u bililiqaystay? Malaha wuxuu i mooday beelaha aan hubaysnayn? Waar illayn ibtilo! Wax walbase waxaa igaga daran foolxumada uu sheekada u soo saaray iyo astaanta ? ee sida gabaarrayda meel walba kaga dheggan!

 

Weli waxaa igu yara jirtay niyadsami ah ”qalad wuu dhici karaaye wax hubso”, sidaas darteed cabasho iyo codsi wada socda oo arrintaas ku saabsan ayaan ninkii oo weli iga sii jeeda u bandhigay. Isaga oo aan soo jeesan ayuu qaylo dheer oo isxanaajin leh iigu warceliyey: “kkkkkkkkkkkkk waa wax lagu qoslo in shaqsi sheeganaya qoraanimo uu sheegto xigmad uusan lahayn…” ! Waar illayn balaayo! Ninku ma beelaha aan hubaysnayn ayuu i mooday? Maskaxdayda waxaa ku soo dhacay nin ******** ah oo gobolka Shabeellaha Hoose beer uusan lahayn qori la dhex wareegaya oo leh: ”Ma beertayda aan ninkii lahaa ka dilooday!”

 

Horta waxaa jirta soomaali badan oo sababo aanan garanayn aad u jecel in ay mareegta ku murmaan kuna caytamaan. Mooyi waxay ay ka helaan laakiin waa la wada og yahay in ay dad sidaas ahi jiraan. Haddaba Daahir Calasow malaha qoladaas ayuu ka mid yahay? Haddii aanay sidaas ahayn, aniga oo codsi iyo cabasho xaq ah u gudbiyey in uu sidaas yaabka leh iigu soo warceliyey maxay kale ee noqon kartaa? Haddii aynu jawaabtaas qiimayno malaha arrintuba waxay ka tahay oo qudh ah ”ha la murmo”?

 

In wax la halabuuraa waa dhaqan bani aadan oo aad u sarreeya. Waxaas in la jeclaadaana waa dhaqan bani aadan oo aad u sarreeya. Waxaas in la qoraana waa dhaqan bani aadan oo aad u sarreeya. Waxaas in la akhriyaana waa dhaqan bani aadan oo aad u sarreeya. Si kale haddii loo yidhaahdo, waxaasi waa dhaqan ilbaxnimo lagu magacaabo oo dadka u gaar ah, kaas oo ay, tusaale ahaan, doofaarrada iyo dameeruhu ka qatan yihiin.

 

Innagu, soomaali haddii aynu nahay, waxaynu weligeen ka mid ahayn bulshooyinka suugaanta maansada hormuudka ka ah ee lagu ******to. Taa beddelkeeda dhaqanka qoraalka waxaynu ka ahayn habeen madow. Aadamiga innaga ayaa ugu dambaynay. Beri dhowayd ayeynu ku baraarugnay. Dabadeed itaal meel uu ina dhigaba waxaynu bilawnay girifgirif qoraal iyo akhris ah. Taasi weli waxay innala maraysaa marxalad bilaw ah. Kacaakuf.

 

Kuwa af soomaaliga inoogu wax qoris badan waxaa laga yaabaa in uu isku wada dhaamo qoraa jarmal ah oo aan weligiiba la maqal. Kuwa inoogu akhris badanna waxaa laga yaabaa in ay gabadh yar oo maraykanad ahi ka akhris badan tahay. Kuma ceebaysnin, waayo ummaduhu waxyaalahaas iyo waxyaalo kaleba waa ay ku kala horrayn karaan. Run haddii loo hadlo, iyagaba kooda ugu gabyaasan waxaa ka gabay badan geeljire soomaaliyeed oo laga yaabo in aynaan qudheennu weligeenba maqlin, gabyaageenna caanka ahna iskaba daa. Yurub waxaad ku arkaysaa diiwaan aad loo jecel yahay oo lagu ururiyey maansadii gabyaagii weynaa ee Hebel, diiwaankaas oo bog walba afar sadar oo gaaggaaban lagu madmadoobeeyey; afar sadar oo ka hadlaya kurtun iyo daaqad iyo bir daxalaysatay iwm. Waxaasina waa sarbeeb ee haddii aad doonto kurtunka u qaado qof, daaqaddana cirka, birta daxalaysatayna xabaal! Waa adiga iyo karaankaa!

 

Tii aan hayeyba illaaway! Haa, qoraalka inagu cusub dhibaatooyinka ka taagan ayaan ka hadlayey. Ma jiro qoraa soomaaliyeed oo waxa uu qoro ku noolaan karaa, halka kuwa dhiggiisa ah ee dunida kale ay halabuurkooda ku hodmaan. Cilladdu ma aha saboolnimada ba’an, mana aha in la waayey cid waxa la qoray akhrida; cilladdu waa innaga oo aan weli baran halabuurka in la iibiyo iyo in la gato. Hawl faneed ama suugaaneed lagu soo dhabar jabay ayeynu doonaynaa in aynu bilshaash ku hello! Berigii aynu dawladownay lama dejin xeer ku aaddan halabuurka iyo xuquuqdiisa. Cajaladaha lagu duubo fanka (ruwaayadaha iyo heesaha) shalay bal xusuuso oo maantaba eeg!

 

Dadweynaha uun ma aha ee dadka wax curiya qudhoodu dhibaatada qayb weyn ayey ka yihiin, waayo kuma ay guulaysan hawlaha caynkaas ah in ay abaabulaan, ururiyaan, casriyeeyaan oo heer kan dhaama u gudbiyaan. Iyaga qudhoodu weli waxay u faruurxidhan yihiin hiddihii abaaday kaas oo aan maansayahanka wixiisa magac mooyee maal laga siisan jirin. Aniga ayaa kow ka ah dadka aan halabuurkooda sida bani aadamka ilbaxa ah uga faa’iidaysan. Run ahaantii aniga iyo dad badan oo aan ka mid ahay fanka iyo suugaanta soomaalida xilligan waxaannu ku sii ridnay qiimojab. Waxayse naga ahayd dadaal: bal wuxuun ha la qoro oo wuxuun ha la akhriyo.

 

Dhaqankaas xumi haddii aan wax laga beddelin aad iyo aad ayuu u curyaaminayaa, horumarna wuu u diidayaa, fanka, suugaanta iyo farshaxanka soomaalida. Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa beryahan aad looga hadalhayaa xeer ilaalinaya xuquuqda halabuurka isla markaas ka dhigaya waxa sida dunida kale qofka curiyaa wax ka heli karo [raadi haddii aad heli karto maqaalka cinwaankiisu yahay ”La’aanta Xuquuqda Fekerka”, diyaariye Maxamed Axmed Suldaan, kuna daabacan ”HALABUUR – Wargeys-Xilliyeedka Suugaanta iyo Dhaqanka Soomaalida” tirsigiisa 1&2 ee soo baxay 2007].

 

Qalbiga muggii waxaynu rajaynaynaa qorshahaasi in uu hirgalo dhulalka soomaalida oo dhanna ka dhaqangalo. Haddii kale sheekada ”Saddex nafood” waxaa abuuray Daahir Calasow, tixda ”Dabahuwanna” waxaa curiyey Ibraahinhawd, maansada ”Koofilna” waxaa tiriyey Abshir Bacadle!

 

Daahir Calasow sheekadaydaas uu bilaashka ku akhristay, ee uu jeclaaday, ee weliba degelkiisa oggolaansho la’aan ku gashaday, wuxuu kaga abaalguday in uu sheegto, marka loo ergeeyana siijeed ku yidhaahdo: “kkkkkkkkkkkkk waa wax lagu qoslo in shaqsi sheeganaya qoraanimo uu sheegto xigmad uusan lahayn…”. Haddii ay sidaas noqotay, waxaa qabanaya xeerka ka jira dunida ilbaxa ah oo ay bililiqadu tahay dembi, ceeb iyo xaaraan.

 

Dadka soomaaliduna, gaar ahaan halabuurrada iyo suxufiyiinta hagaagsani, arrintan iyo kuwa la midka ah wax ka qabashadeeda ha iska kaashadeen. Haddii kale fanka iyo suugaanta waxaa la gelinayaa dhaqanka jabhadaynta, dagaaloogaha, isbaarada iyo bililiqada.

 

 

Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this