Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Ogolaatay In Kamarado (Cameras) Lagu Xidho Warshadaheeda Nukliyeerka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Wakaaladda quwadda nukliyeerka Qaramada Midoobay ee IAEA iyo Iran ayaa gaadhay heshiis ay Iran ku aqbalayso in si toos ah loo kor joogteeyo warshadaheeda nukliyeerka.

Heshiiskaa oo lagu gaadhay Tehran ayaa ogolaanaya in hay’addu wershadaha dalkaas ku xidho kamaradu lagula socdo hawlaha warshadahaas.

Arintan oo ay hore ugu heshiisyeen Iran iyo quwadaha waaweyn ee dunidu sannadkii 2015 ayaa ay Iran joojisay markii Maraykanku heshiiskaa ka baxay markii uu tallada hayey Donald Trump ee uu sidoo kale ku soo celiyey cunoqabatayntii ahayd in laga qaado.

Is waydiintu haatan se waxay tahay, maxay Iran haatan u aqbashay in dib loogu rakibo kamaradahaa wershadaheeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this